Shirkii Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya oo saaka ka furmay magaalada Muqdisho
May 5, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa saaka ka furmay magaalada Muqdisho Shirkii Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya kaas oo ay odayaasha ku soo xuli doonaan xubnaha ka mid noqon doona golaha Baarlamaanka ee Dowlada Soomaaliya kaas oo soo dooran doona Madaxweynaha Soomaaliya bisha 8aad 2012-
Madasha shirka ayaa waxaa haatan soo gaaray Raisulwasaaraha DFKM Pro.Cabdiweli Maxamed Gaas ,wasiiro ,xilkdhibaano iyo marti ka socota beesha Caalamka gaar ahaan Ururka Midowga Afrika iyo IGAD.
Furitaanka shirka ayaa waxaa khudbadii ugu horeysay ka jeedshay wasiirka warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” wuxuuna sheegay in shirka uu ahmiyad weyn u leeyahay wuxuun rajo ka muujiyey in laga baxo xaalada ku meelgaarka ah loona gudbo dowlad rasmi ah.
Ammaanka goobta uu ka dhacayo dhirka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi si wadajir ah ammaanka u sugaya ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM waxaana xiran wadooyinka qaarkood magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa la filayaa in uu ku soo biiro madasha Shirka odayaasha dhaqanka ee Soomaaliya si loo helo dowlad rasmi ah.Culuma,udiin ,Siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa diidan Dastuurka qabyo qoraalka ah ee DFKM iyaga oo sheegay in Dustuurkan uu yahay mid laga soo miinguuriyey wadamo gaalo ah.
A/Cawale
Halgan.net