Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed oo u baqoolay magaalada Addis Ababa

May 20, 2012 - Written by

Addis Ababa:- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa  u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo maalinta birito ah uu ka dhici doono shir ay isugu imaanayaan saxiixayaasha Roud-Map-ka .

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirka G/dhiga ee DFKM Xusen Carab Ciise iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKM

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa inta uusan ka baqoolin magaalada Muqdisho saxaafada la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaargaroobo shirka ka dhacaya magaalada stanbul ee dalka Turkiga kaas oo lagu gorfeyn doona wixii ka hergalay shirkii ka dhacay magaalada london 23-kii February 2012.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday socdaalkii uu ku soo maray wadamada kala ah New York, Ugandha, Burundi iyo Kenya.

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa haatan waxaa gaaray Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ,Raisulwasaare Gaas ,Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole,Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo wafdi ka socda kooxda la baxday Ahlu Suna.

Shirka lagu wado in uu ka furmo maalinta Isniinta Addis Ababa, ayaa waxaa  dalbatay madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ka dib markii uu maamulkiisa uu saluugay dastuurka qabyo qoraalka .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online