Wariye Farxaan Jeemis Cabdulle oo caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo .

May 2, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Kooxo hubaysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa caawa ku dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wariye Farxaan Jeemis Cabdulle oo ka mid ah Saxafiyiinta Magaalada Gaalkacyo ee ka hawgali jiray Idaacada Daljir waxaana uu dilka ka dhacay  agagaarka Hotel Kuwait ee xaafada Garsoor xili uu wariye Farxaan ku sii jeeday gurigiisa. Wariye Farxaan Jeemis Cabdulle ayaa ka mid ahaa wariyaasha ugu firfircoon Radio Daljir si weyna looga yaqaan magaalada Gaalkacyo waxaa dilka Wariye Farxaan geystay 3 nin oo ku hubeysan Qoriga Ak 47 .waxayna ka baxsadeen goobta markii ay dilka fuliyeen.

Ilaa haatan lama yaqaan cida fulisay dilka Wariye Farxaan Jeemis Cabdulle waxaase jira tuhun badan oo laga qabo kooxihii dilalka ka fulin jiray magaalada Gaalkacyo oo ah kuwo wajiyo badan.

M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. inaa lilaahi wa inaaa ilayhi raaa jicuun waxaan tacsi udirayaa dhamaan bahda saxaafada ee magaalada galkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii asxaabtii uu kageeriyooday marxuumka ay caawa dileen dhagar qaba yaasha waxaana illaahay uga baryayaaa inuu unaxariisto farxaan iyo intii muslima oo geeriyootay amiiiiiiiiiin amiiiiiiin amiiiiiiiiiiiiin asc

Leave a comment

*