Wasaarada Caafimaada DFKM oo deeq gargaar ah la gudoonsiiyey

May 27, 2012 - Written by

Dowllada Sacuudiga ayaa maanta waxaa ay ku wareejisay  DFKM deeq iskugu jirta  gaadiid iyo shixnado daawooyin ah  oo ay ugu talo gashay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran, gargaarkaan ay dowllada Sacuudigu u soo dirtay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo dejiyey maanta Dekkada magaalada Muqdisho.

no images were found

Deeqda dowllada Sacuudiga  ayaa waxaa si rasmi loogu wareejiyey Wasiirka wasaaradda caafimaadka DFKM Cabdi casiis Shiikh Yuusuf  deeqdaas oo ka koobnayd Daawooyin , Matooro, Gadiidka deg deg ah ,Cagaf cagafyo.Deeqdaan ayaa waxaa keenay Hay’ad samafal ah  oo ka howl gasha dalka Sacuudiga. Madaxa Hay’adda Samafalka Dr. Mansuur oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in deeqdaan ay ku wareejinayaan isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho  isagoo sheegay  in dowllada sacuudiga iyo shacabkeeda ay diyaar ula yihiin in ay gargaarayaan walaalahood Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen dagaalo sokeeye iyo colaad joogta ah.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online