Wasaarada Caafimaada DFKM oo deeq gargaar ah la gudoonsiiyey
May 27, 2012 - Written by[nggallery id=149]
Deeqda dowllada Sacuudiga ayaa waxaa si rasmi loogu wareejiyey Wasiirka wasaaradda caafimaadka DFKM Cabdi casiis Shiikh Yuusuf deeqdaas oo ka koobnayd Daawooyin , Matooro, Gadiidka deg deg ah ,Cagaf cagafyo.Deeqdaan ayaa waxaa keenay Hay’ad samafal ah oo ka howl gasha dalka Sacuudiga. Madaxa Hay’adda Samafalka Dr. Mansuur oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in deeqdaan ay ku wareejinayaan isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho isagoo sheegay in dowllada sacuudiga iyo shacabkeeda ay diyaar ula yihiin in ay gargaarayaan walaalahood Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen dagaalo sokeeye iyo colaad joogta ah.
A/cawaale
Halgan.net

.gif)
Dowllada Sacuudiga ayaa maanta waxaa ay ku wareejisay DFKM deeq iskugu jirta gaadiid iyo shixnado daawooyin ah oo ay ugu talo gashay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran, gargaarkaan ay dowllada Sacuudigu u soo dirtay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo dejiyey maanta Dekkada magaalada Muqdisho.

