Wasiirka amniga ee Gal-mudug Abshir Diini oo sheegay in degaano ka tirsan maamulkoodu ay soo galeen Al-shabaab

May 14, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Wasiirka amniga ee maamulka Gal-mudug Abshir Diini Cawaale oo maanta la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay soo galeen degaano uu ka talinayey maamulkooda. Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka ka tirsan ururka Al-shabaab ay soo galeen degaano ka tirsan degmada Hobyo ay ka soo talaabeen Gobolka Gal-gaduud oo dagaalo fara badan uu ku dhexmaray ciidanka ururka Suufiyada ee Ahlusuna la baxay oo taageero ka hellay ciidanka Itoobiya iyo urruka Al-shabaab.

Ciidanka Al-shabaab ayaa waxaa ay soo galeen Budbud iyo Barwaaqo oo ah degaano ka tirsan degmada Hobyo, ciidamada ayaa waxaa hogaaminaya nin ka soo jeeda degaanka Galmudug oo lagu magacaabo Cabdishakuur Cali Cumar. Masuulkaan ururka Al-shabaab Cabdishakuur Cali Cumar ayaa dadka degaanka goob fagaaro ah kula hadlay waxaana uu u sheegay in ay u diyaar garoobaan dadweynuhu in ay gacan siiyaan dadka difaacayay diinta lana dagaalamaya cadowga ku soo duulay dalka isagoo ku sifeeyey maamulka Gal-Mudug mid rido ah oo gaalada u shaqeeya.

Qaylo dhaanta ka soo yeertay Wasiirka amniga ee Gal-mudug Abshir Diini Cawaale ayaa waxaa horay uga yeertay maamulka Puntlland oo horay u sheegay in ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay soo galeen Buuraha Golis si ay ula dagaalamaan maamulkooda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online