Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka wadahadallo ayaan kula jirnaa Isimada Puntland
May 17, 2012 - Written byMuqdisho:-Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DFKM C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa maanta si rasmi ah u sheegay inay wadahadallo kula jiraan odayaashii iyo waxgaradii Puntland ee dhaliisha u soo jeediyey qaabka uu u socodo shirka lagu ansaxin rabo Dastuurka DFKM kaas oo ka socda magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DFKM ayaa warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho saaka la hadlay ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u mareyso wadahadalo ay kula jiraan Isimadii ka baxay shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho wuxuuna rajo weyn ka muujiyey xalinta cabashada Odayaasha Dhaqanka Puntland.
Isimada iyo Salaadiin ka tirsan Odayaasha dhaqanka ee Puntland ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland iyaga oo dhaliilay qaabka uu shirka u socdo waxayna sheegeen in ay talo ula soo noqdeen Maamulka iyo waxgaradka Puntland ay wakiilka ka ahaayeen.
Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DFKM C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Odayaaasha dhaqanka Soomaaliya ee ku haray Shirka ay wadaan wadatshi iyo qaabkii ay u soo xuli lahaayeen ergadii ansaxin lahayd Dastuurka.Mar wax laga weydiiyey sababaha keenay in ay odayaasha dhaqanka ee Punland ay dib ugu noqdaan Garoowe ayuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo wuxuuna sheegay in wadahadal uu socdo lana xalin doono wixii khaldamay.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net