Wasiirka ka tirsan Puntland oo xaqiijiyey in Shidaal laga helay Ceelka Shabeele1(Dhageyso)
May 21, 2012 - Written byOslo:-Wasiiru dowlaha maamul wanaaga ee Dowladda Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa markii ugu horeysay la hadlay qurba joogta Puntland isaga oo ka warbixiyey meesha ay mareyso qodistii Shidaalkii laga qodayey dooxada Dharoor gaar ahaan Ceelka Shabeele1.
Wasiiru dowlaha maamul wanaaga ee Dowladda Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan)ayaa sheegay in baarista shidaalka iyo heshiisyadii lala galay shirkadaha haatan ku sugan Puntland ay soo bilaawday dowladii hore ee Puntland oo uu hurmuudka ka ahaa Gen Cadde Muuse Xirsi wuxuuna sheegay in ay wax ka badaleen heshiiskii hore guulna ay ka gaareen.
Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) Wasiiru dowlaha maamul wanaaga ee Dowladda Puntland ayaa sheegay in laba Ceel laga qodayey Puntland kuwaas oo kala ah Shabeel1 iyo Shabeel2 wuxuuna sheegay in guul laga gaaray Ceelka Shabeel 1 lagana helay Shidaal xafladna dhawaan la qaban doono .
Hoos Ka Dhageyso Wasiiru dowlaha maamul wanaaga ee Dowladda Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan)
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/jwk042qf95/gaashaan1.mp3]C/casiis Maxamed
Halgan.net