Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

June 12, 2013 - Written by Editor

axmed-madoobeKismaayo:-Madaxweynaha DGPL Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa mudo dhow cisho ah waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi waxaan ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Xildhibaanada gobolka W/Bari Kenya, Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay. Wafdiga Madaxweynaha DGPL Jubbaland ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxaa soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka  Jubbaland Gen. Fartaag , siyaasiyiin ,odayaasha dhaqanka iyo dadweynaha reer Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo la hadlay saxaafad ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo isagoo ku  booriyey bulshada ku nool Kismaayo in ay ka fogaadaan wax kasta oo colaad abuuri kara.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo soo hadal qaaday shirk a dhici doona Muqdisho oo ay garwadeen ka yihiin IGAD in uu ka qayb geli doono si loo dhameeyo khilaafka ka dhex aloosan Madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Warka oo faah faahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online