Abaanduulaha Ciidamada DFS oo loogu soo dhaweeyay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

August 31, 2013 - Written by Editor

Caabud-waaq-:Wafdi uu hogaaminayo Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General C/Risaaq Khaliif Cilmi oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Mudane Xuseen Cali Wehliye Cirfo,Saraakiisha Taliska 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa duhurnimadii maanta safar lug ah kusoo gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud iyadoo Tuulooyin kamid ah kuwa u dhexeeya degmada Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb ay kusoo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo Bulshada Reer Caabudwaaq kuwaas uu horkacayay K/S Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Caabudwaaq Mudane C.risaaq Cali Jaamac Gacal.

Wefdiga oo lagu soo galbiyay gaadiid aad u farabadan ayaa si nabad ah markii ay kusoo gaareen caabudwaaq waxaa Dadweyne Boqolaal ah isugu yimaadeen barxadda weyn ee kasoo horjeeda Xarunta degmada caabudwaaq halkaas oo ay Qeybihii isugu yimaaday kamid ahaayeen Odayaasha Dhaqanka,Haweenka,Dhallinyarada,Ardayda waxa ka barata Degmada Caabudwaaq waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee Degmada.

Ugu horreyn waxaa Goobta ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Degmada caabudwaaq Mudane C/Risaaq Cali Jaamac oo si diiran usoo dhaweeyay wefdiga ka socday Dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Mudane Xuseen cali Wehliye Cirfo oo Boqolaalka dadweyne kula hadlay Degmada Caabudwaaq ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay waxa uuna ballanqaaday in maamulkiisu dib u dhis ballaaran ku sameyn doono degmooyinka Gobolka islamarkaana dib u heshiisiin la dhexdhigi doono dhammaan dadka ku wada nool G.Galgaduud.

Guddoomiye Cirfo ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay ka howl bilaabaan Degmooyinka Gobolka Galgaduud islamarkaana ay ka shaqeeyaan caawinta Bulshada Galgaduud maadaama uu maamulka Gobalka ee cusub uu dammaannad qaadayo ammaanka Hay’adahaasi.

Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Khudbad ka jeediyay Goobta ayaa si weyn ugu ammaanay Bulshada ku nool Gobolka Galgaduud sida xammaasadda leh oo ay usoo dhaweeyeen hirgelinta nidaamka Dowladnimada,isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ku biiritaanka Ciidamada Ahlusunna iyo Xoogga dalka uu wax badan kusoo kordhin doono tayada Ciidamada ka howlgala Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Abaanduuluhu waxa uu si cad ugu ballanqaaday dadweynaha Reer Galgaduud in sida ugu dhaqsaha badan gacanta cadowga looga saari doono Goobaha fara ku tiriska ah oo ay ka joogaan Gobolka Galgaduud iyo Gobollada kale ee wadanka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa intii ay ku guda jireen safarkii lugta ahaa waxa ay soo kormereen difaacyada ay Ciidamada Xoogga dalka ku leeyihii Duleedka degmada Caabudwaaq iyadoo la arkayay Gadiid dagaal oo ay ku jiraan Taankiyo iyo Ciidamo aad u fara badan kuwaasoo salaam sharaf siiyay Abaanduulka iyo Guddoomiye Cirfo.

Wefdiga ayaa inta ay maanta joogaan Magaalada Caabudwaaq waxa ay kulammo gaargaar ah la yeelan doonaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada,Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada,iyadoo Wefdiga uga sii gudbi doonaan Deegaannada Xeraale,Ballanbal iyo Deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online