Abuu Yuusuf oo is barbardhigay wax ka socda Soomaaliya iyo wixii ka dhacay dalka Jazaa’ir.[Qaybtii 2aad]

August 10, 2013 - Written by Editor

Waxaa dhawaan idiin soo gudbin qoraal uu Abuu Yuusuf ku faafiyey bar internet ah oo lagu faafiyo qoraalo iyo fariimo taageersan ururka Al-qaacid. Abuu Yuusuf ayaa qoraalkiisa waxaa uu cinwaan uga dhigay ‘’Fariin ku socota hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.’’ Halkaan ka eeg qoraalkii hore oo aan tarjunay. Qoraalka Abuu Yuusuf oo ahaa qoraal dheer xanbaarsanaha arrimo badan oo xasaasi ah ayaan qaybo badan oo ka mid ah idiin soo gubinay balse waxaa jiro arrimo kale oo u baahan in ay nala wadaagaan Akhristayaasha Halgan.net una baahan in la dul istaago si dadka aan af-carabiga aqoon ay wax ka ogaadaan qoraalkan.

Abu Yuusuf ayaa qoraalkiisa waxaa uu uga sheekeeyey xaalad guud Soomaaliya gaar ahaan xaalka ururka Al-shabaab balse inta uusan bilaabin ayaa waxaa uu soo qaatay tusaale ah in uu jiri jiray sidda uu sheegay nin madax u ahaa urur Islaami ah wallow uusan xusin ninka magaciisa iyo ururka magacisa balse waxaa uu sheegay in hogaamiyahaas uu ahaa mid Jaajuus u ahaa dalka Ingriiska waxna aysan kala socon kooxda uu u yahay hogaamiyaha gaar ahaan xubnaha ururka iyo ciidanka.

Kooxda uu hogaaminayey ninkaas u shaqaynayey Ingriiska ayaa xubnaha ka tirsan ururkiisa iyo ciidankuba ay ahaayeen kuwo ku jira Jihaad iyagoo aan waxba kala socon in hogaamiyahooda uu yahay Jaajuus la biilo oo guno ka qaata dowllada Ingriiska waa sidda uu ku xusay qoraalkiisee.

Abuu Yuusuf ayaa sheegay in hogaamiyaas jaasuuska ah uu bil kasta dhamaadkeeda uu la kulmi jiray madax ka tirsan dalka Ingriiska ka dibna ay siin jireen xoogga lacag ah iyadoo arrinkaas aysan waxba kala soco xubnaha ururiisa iyo Askartuba. Abuu yusuf oo qoraalkiis sii watad ayaa xusay in laga shakiyey hogaamiyahaan lacagta ka soo qaata Ingriiska balse markii la fahmay uu bilaabay in uu marin habaabiyo xubnaha urrukiisa isagoo leh ‘’ Mujaahidiintii ayaa ku faafay aduunka sidaas darteed baa Ingriisku u bixinayaan Jizyo [ Waa lacagta laga qaado qofka aan islaamka ahayn eek u dhex nool dowllada islaam ah haddii uusan diinta Islaamka soo gelin] arrinkaas ayaa xubno ka mid ah ururku ay run u qaateen balse qaar kale oo fahmay khatarta Hogaamiyahaan Jaasuuska ah ayaa ka horyimid balse hogaamiyuhu waxaa uu ku diray kuwo da’yar oo laayey markii danbe Madaxdii ururka, Ducaadii iyo culimadii fahamtay khatarta Hogaamiyahooda leex day ee noqday Jaasuus u shaqeeyey Ingriiska.

Abuu Yuusuf oo is barbardhig ku sameeyey Xaalada Soomaaliya iyo tii dalka Jazaair ka dhacday:-

Abuu Yuusuf ayaa waxaa uu qoraalkiisa uu isku barbar dhigay xaalada hadda Soomaaliya ka jirta iyo tii ka dhacday dalka Jazaair isagoo arrintaan ka soo dheegtay Kitaab uu qoray wadaad lagu magacaabo Abu Muscab Suuri arrimaha ay iskaga mid noqdeen kooxihii ka dagaalmaysay dalka Jazaair iyo ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu ku soo koobay sida tan waa sida uu qoraalkiisa ku xusay:- Halkaan ka akhriso kitaabkii uu qoray Abuu Muscab Al-suuri uuna uga hadlay wixi ka dhacay dalka Jazaa’ir

1.Banaysiga dhiiga dadka Muslimiinta gaar ahaan Mujaahidiinta iyo madaxda toosan
2. Laynta Madaxda hagaagsan ee ururka ee Jihaadka ku jira
3. Soo dhexgelid Sirdoonka cadowga hogaanka ururka
4. Qaraxyo laga geysto meelaha dadku ku badan yahay iyadoo aan loo meeldayeynin yoolka hadafka.
5. Ka fogeyn Mujaahidiinta wax socda iyadoo lagu mashquuliyo dowraad sharci ah ,tababaro taas oo ku fasiray Xabsi siyaasadeed.
6. In Mujaahidiinta loo diido in ay soo galaan dalka Soomaaliya
7. Muhaajiriinta oo dalka laga saaro si qasab ah oo caqliga toosan ee muslinka uusan ogolayn.
8. Ka cayrin dadka Jihaadka iyo ka mid noqoshada howlwadeenada ururka.
9. Diidmo naseexooyinka lagu toosinayo yoolka ururka.
10. Aaminada in ururku yahay Jamaacaddii Muslmiinta qofkii ka baxsana uu yahay Gaal.
11. Dabaalasho ay dhexdabaashaan lunsanaanta madaxda ururka culimada ku nool dalka dibadiisa wax uu ka xusay[ Xassaan Xuseen Aadan oo ku nool Nairobi], Abuu Yuusuf ayaa ku eedeeyey Xassaan Xuseen Aadam in uu dowr ka qaatay bixin fatwooyin taageeraya madaxda ururka Al-shabaab uuna joogo dowrkii uu Abuu Kataada Falastiin uu ka qaatay dalka Jazaa’ir isagoo bixiyey fatwooyin wax badan baadiyeeyey xiligii uu dagaalka ka socoday dalka Jazaa’ir.

Dhinac kale Abuu Yuusf ayaa ku sheegay qoraalkiisa in qof uu la hadlay uu u sheegay in Xassaan uusan fatwooni in qofkii Khilaaf Axmed Godane la dilo ayna jirto in qoraal loogu tacsiyey nayo Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan lagu soo daabacay webka gaar uu u leeyahay Xassaan Xuseen balse uu sheegay in uusan qoraalka wax war ah u hayn Abuu Yuusuf oo qoraalkiisa sii wada ayaa yiri ”Waxaan u sheegayaa Xassaan Xuseen in arrinka ah in uusan Fatwoon in la laayo kuwa khilaasan Axmed Godane aysan waxba u taraynin ilaa uu ka bari noqonayo kuwa dilay Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan.”

Abuu Yuusuf ayaa qoraalkiisa waxaa kale oo ku xusay in ay jirtay qoraal uu hadda ka qor ka qoray AbuMansuur Al-amriiki uuna u bixiyey ‘’ Qaylo dhaan ku saabsan in la badbaadiyo Abuu Mansuur Al-amriiki’ Qoraalka ayaan waxaan ku sheegay buu yiri in si shirqool ah loo dilay Fasuul si bareer ahna loo weerar Abu Mansuur Al-amriiki, Khidhaab Al-masri , Usaama Biridhaani, marka xigana la weerari doono Sh Xassan Daahir Aweys, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Sh Abuu bakar Al-Zaylici [Ibraahim Afgani].

Abuu Yuusuf ayaa yiri ‘’ Waxaa loo weerari doonaa si dadban ama toos ah hadda waxaa aragnaa in la dilay Ibraahim Afgaani iyo Macalin Burhaan berina waxaa xiga Sh Mukhraar Roobow iyo walaalaha kale ee weli labaacsanayo.

Ugu danbayntii ayaa Abuu Yuusuf waxaa uu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey in ay muhiim tahay in aan laga aamusin lunsanaanta hogaamiyaha ururka Al-shabaab oo buu yiri ah mid caasiyeye alle iyo Rasuulkiisa kuwa leh yaan la sheegin khaladaadka hogaamiyahay Al-shabaab oo gaalo ayaa ka faa’iidaysa waxaa ku leeyahay buu yiri ‘’ Ma idinkaa wax og mise Alle’’ waxaan uu soo daliilyey Aayaad badan oo aad ku arki doontid qoraalkiisa..” Halkaan ka eeg qoraalka Abuu Yuusuf ee lagu faafiyey shabakataljahad.com ama Halkaan ka eeg
Waa inoo qaybaha danbe oo aan ku eegi doono qoraalka Abuu Yuusuf oo ay ku jiraan arrimo xasaasi ah una baahan in la dul istaago

Afeef isha qoraalka: shabakataljahad.com/vb/
Abuu Yuusuf Gariib, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online