Al-Shabaab maxay ku qoonsadeen Sheekh Xasan Daahir Aweys [Dhagayso]

August 15, 2013 - Written by Editor

DSC03196Baraawe:-Ilaa iyo intii ay ururka Al-shabaab ay ku khaarajiyeen degmad Baraawe ku xigeenkii ururka Al-shabaab Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaanay (Ibraahim Afgaani) iyo masuulkii Shuurada Cabdi xamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan Macalin Burhaan ayaa dad badan waxaa ay is wiidiinayaan sababta ay ururka Al-shabaab ay madaxdoodii ugu muhiimsanaa ay u khaarijiyeen!

Runtii qofkasta oo muslin ah in aabi lagu dilo waa wax shareecada Islaamku ay ka digtay oo xaaraan ah balse waxaa sugan in qofkii la dagaalama awliyada ilaahay oo ay culimad diinta xanbaarsan ay ugu horeeyaan in Alle la dagaalami doono marka uu qabtan uusan sii dayn doonin.  Ma ah u jeedadad qoraalkeygu in aan ku digto ama aan ku dhaleeceeyo labad masuul ee ay ururka Al-shabaab ugu muhiimsanaa ee aabiga lagu dilay oo shaqsiyan aan ka xumahay balse waxaa wax sunna ah in Fikrigii guracnaa ee lag dilay culimadii dalka Soomaaliya ay dib ugu soo laabtay kuwii fikrigaan abuuray ama dalka Soomaaliya keenay.

Haddaba haddii Ururka Al-shabaab ay qirteen in ay ku dileen Baraawe ku xigeenkii Al-shabaab Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad iyo masuulkii Shuurada Cabdixamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan Macalin Burhaan kuna dileen kaliya in ay fikri kaga duwanaadeen walow wax badan ay isku mowqif ka ahaayeen maxaa diidi kara in culumo ay gaalo ku xumeen iyo shacab ,arday in  ay laayaan waa su,aal Muhiim ahe .

Waxaa wax la xuso ah in culimadii dalka ugu waaweynaa oo cimrigooda ku soo dhamaystay fidinta diinta Islaamka si baraar ah loo dilay iyagoo soomana ama Salaad casar tukanaya , markii ururka Al-shabaab ay ku khaarajiyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Sheekh Dr Axmed xaaji Cabdiraxmaan Raximahulaah oo ahaa caalim cabqari ah kana mid ahaa culumada indha u ahaa umada Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaana deegaanada Puntland ayaa waxaa umadii ku dhacay jahwareer iyo amakaag.

Maalintii La aasayey Sh Dr Axmed Xaaji Allaha u naxariistee ayaa waxaa  aaskii kalimada taariikhdu ay qortay ka jeediyey Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ay magaalada Garoowe isagoo salaad tukanaya Masjid gudihiis ay ku dileen Kooxada Amniyaadka ee ururka Al-shabaab ee ka amar qaata Axmed Cabdi Godane.

Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa alle ku dacweeyey Ururka Al-shabaab ee maleegay dilkii Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ahaa tiirkii Dacwada Soomaaliya iyadoo maalintii la dilay Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ilaa maanta ay soo baxayso ifafaalihii habaarkii ay umada Soomaliyeed iyo culumadeeda ay habaareen kuwii soo maleegay dilkii foosha xumaaa ee Sheekh Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan iyo culimadii kale sidda Sheekh Maxamed Tahliil oo ay deegaanka Ceelasha biyaha ku dileen ururka Al-shabaab.

Hoos ka dhagayso kalimadii taariikhiga ahayd ee Sh Cabdulqaadir Nuur faarax ka jeediyey Aaskii Sh Dr Axmed Xaaji Allaha u naxariistee

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/kalimad taariikhdu ay qortay Sh. Cqaadir Nuur.mp3]

Alle ayaa balan qaaday qofkii qof muslin ah aabi ku dila ama ku dulmiya in ciqaab adag oo aakhiro iyo mid aduunyo uu heli doono, Alle waa ajiibaa qofka la dulmiyey dacwadiisa markii uu alle gacmaha u taagto walow diba ha ka ciqaabee kuwii dulmiga geystaye. Waxay ahayd waqti habeen bar ah markii aan Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax aan la hadlay isagoo markaas soo gaaray Boosaaso si uu uga qayb galo salaadii Janaasada ee Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan runtii waxaa calool xumo igu abuurtay sidda uu Sh Cabduqaadir Nuur Faarax uga tiiraanyeysnaa dilka Sh.Dr Axmed Xaaji balse uu u rumaysnaa in qof walba uusan dhaafaynin waqtiga loo qoray in uu dhinto.

Dhinaca kale waxaa dad badan is wiidiinayaa wax sababay in habeen si guuro ah uu uga baxo degmada Baraawe Sheekh Xassan Daahir Aweys iyo 17 ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah iyagoo tegay degmada Cadaado.Sh Xassan Daahir Aweys ayaa marar badan ka hadlay iclaanka isagoo mowaaqif badan kaga horyimid ururka Al-shabaab, Sh Xassan Daahir Aweys ayaa maanta xaalkiisu yahay mid adag lamana yaqaan sidda uu xaalkiisu ku danbayn doono.

Haddaba dada badan ayaa waxaa maskaxdoodu ay ka guuxaysaa su,aalahaan  Yaa masuul ka ah haddii Sh Xassan Daahir Aweys uu u gacan galo sirdoonka reer Galbeedka. ? Waa ayo kuwa uu Sh.Xassan Daahir Aweys uu nafsadiisa kala soo cararay.?Xariga Sh Xassan Daahir Aweys waa maxay u jeedadda ka danbaysa. ?

 Hadii aan intaas uga baxo hordhaca Maqaalkeyga waxaan haatan guda gali doonaa Maxay Al-Shabaab ku qoonsadeen Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa aad u diiday cayda culumada oo ay dhaqan ka dhigteen warbaahinta ururka Al-shabaab iyaga oo markaas doonayey in ay ceebeeyaan culumadii diiday inxiraafka iyo qaloocii ay wadeen, Sheekh Xassan Daahir ayaa si geesinimo leh arinkaas uga hadlay .

Hoos ka Dhageyso Sh.Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay caydaculimada
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/caydaculumada..mp3]

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa  waxaa uu sidoo kale si adag u naqdiyey Bayaan ay soo sareen Ururka Al-Shabaab oo ay isku tilmaameen in ay yihiin Jaamacada Muslimiinta cid kale oo jihaadi kartana aysan jirin. Bayaankaas oo ah kii sababta u ahaa ama afhayeenka ururka Al-shabaab Abu Muscab uu xusay markii uu ka hadlayey dilka  Ibraahim Jaamac Miicaad iyo Macalin Burhaan oo ay muuqato in Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo inta ku rayi ah in ay qabaan in urruka Al-shabaab ay yihiin  Jamaacadii Muslimiinta oo qofkii khilaafa uu mudanayo dila ama lagu xukminayo rido ama in uu diinta ka baxay.

Hoos ka Dhageyso Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlaya bayaanka markii ay soo saareen Al-shabaab
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/ShXasan.mp3]

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale ka horyimid in culumada la laayoo ka dib markii ay kulan ku qabsadeen magaalada Baydhadho Ururka Al-Shabaab wuxuuna ahaa wadaadkii kaliya ee diiday in culumada la laayo. sidda Sh Cabduqaadir Nuur Faarax uu ka sheegay  kalimadii uu ka jeediyey salaadii Janaasada ee Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale si adag u canbaareeyey dilkii Sheekh Dr Ahmed Xaji oo ay ahaayeen wadaay iyo Sheekh C/qaadir  Nuur Faraax oo ahaa Sheekhii uu ka dhigtay Saxiixul Muslinka waxaana arinkaas dhibsaday Al-shabaab oo Ururka Al-Ictisaam ay agtooda gaalo ka yihiin .

Hoos ka dhageyso Sh Xassan Daahir Aweys oo ka hadlay dilkii culimada
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Xasan_Daahir1.mp3]

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale diiday in uu gaaleysiiyo jabhadii WSLF ee la gashay dowlada Itoobiya heshiiska arinkaasna waxay u cuntami weyday Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Sh Xassan Daahir Aweys oo la wiidiinayo hishiiskii jabhadii WSLF
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/WSLF.mp3]

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale sheegay in markii uu si hoose wax u sixi waayey bilaabay in uu la hadlo warbaahinta wuxuuna ka hadlay isku daygii lagu dili lahaa Abu Mansuur Al-Amriki oo wax badan kashifay wuxuuna ka mid ahaa ragii fatwada soo saaray .
Sheekh ayaa sidoo kale soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo xaalada halka ay mareyso wuxuuna iftiimiyey arimo badan oo ay culumada Soomaaliyeed in badan ka hadleen  Halkan ka Akhriso.

Hoos ka Dhageyso Wareysigii Sheekh Xasan Daahir Awesy uu Siiyey Tv Somali Channel oo uu uga hadlay isku daygii lagu dili lahaa Abu Mansuur Al-Amriki.

[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/ltk1m3gp7j/waraysi_sh_xassan_daahir.mp3″]

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa bilaabay markii uu Sheekh Xasan Daahir Aweys ka baxay Degmada Baraawe  in ay dhaleeceeyeen oo yiraahdaan wilaayaadkii Islaamka buu ka tagay ,markii Sheekh Xasan uu gaaray Cadaado ka dibna la keenay Muqdisho ayey waxay bilaabeen in ay oohintii yaxaaska Bilaabaan balse waxaysan ogayn in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo cimri iyo cilmiba ka badan Godane in uu naftiisa kala baxday Al-Shabaab hadaba waxay tahay su,aasheyda yaa ka masuul ah xaalada uu maanta ku jiro Sheekh Xasan Daahir Aweys ?ma Al-Shabaab mise umad kale waxaan jawaabta u deyn doonaa shacabka Soomaaliyeed! Tan Labaad aaway culumada ay Al-Shabaab ula baxeen Rabaaniyiin iyo Sheekh Islaam maxay uga hadli waayeen dilkii Ibraahim Jaamac Miicaan iyo Macalin Burhaan?raximahulaah kuwaas oo si xaqdaro ah loogu dilay Degmada Baraawe.

Waa inoo Qeybta labaad inshalaah oo aan ku soo bandhigi doono Mawaaqif kale oo u gaar ah Sheekh Xasan Daahir Aweys.

W/Q C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online