Ar I dhig hoosaa ka daran!!!. W/Q Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur
August 30, 2013 - Written by EditorKoox dad ah oo Alle bari isugu timid (Sab) ayaa qayb ka mid ah muddul la fariisiyey si halkaas loogu qado siiyo, sida dhaqanka ka ah gobollada Baay iyo Bakool muddulka xagga saqafku ka dhuubmo ayaa si goobo ah loogu qoraa qur’aan ama bisinka ama acuudu, ragga muddulka ku jira waxaa ka mid ah wadaad qur’aanka iyo naxwahaba yaqaan, markuu dusha eegay ayuu arkay laxni (Deelqaaf) ku qoran muddulka saqafkiisa oo waxaa ku qornaa (A uudu billaahi) wadaakii raggii buu yiri I qaada aan soo saxee khaladkaas, markii la qaadey ayaa mid hoos ka yiri (Usmullaahi), wadaadkii baa yiri (Ar I dhig hoosaa ka daran!!).
Marka aad aragtid dhibka dhaqan iyo midka siyaasadeed ee soomaalida waxaad xasuusan kartaa oraahdaan iyo kuwa la midka ah, dad badan ayaa is leh xalka soomaalidu waa in hoggaanka sare la saxo ama la beddelo, laakiin wax badan ayaa is beddel qofeed ama wadar dadeed la arkay laakiin wali xal looma helin is le’egta siyaasadeed (Political equation) ee soomaalida, waa xisaab aysan caddayn qaacidada loo raacayo, natiijadeeduna tahay ka dar oo dibi dhal, kala tag, is nac iyo fogaansho ay sii fogaanayso xalka dhibka haysta bulsho weynta soomaaliyeed.
Marka soo kuma fiicna inaan figta sare uun lagu ordine bal hoos la eego oo la yiraahdo (hoosaa ka daran), waxaan is leeyahay waa lagama maarmaan in hoos wax loo eego oo xalka laga raadiyo in hoos wax laga soo abla ableeyo (grass root solution), waxaana anigu aan is leeyahay waxaa lagama maarmaan ah.
1. In bulshada soo maaliyeed loo sameeyo wacyi galin (Orientation) ku saabsan habka bulsho u horu mari karto.
2. In laga shaqeeyo dib u heshiisiin (Reconciliation), is cafin iyo is calool xaarasho.
3. In la abuuro kalsooni (Confidence) waana qodobka ugu muhiimsan, haddii soomaalidu is aaminto waxaa samaysmaya awood diyaasadeed oo adag (solid political power) oo aan la loodin karin, waxaa yaraanaya faragalinta dibadeed ( outside interference) laakiin haddii aan kalsooni la abuurin kun ictiraaf oo dibadda laga helaa waxba tarimayaan.
4. In la noqdo dhib iyo dheef wadaag ee aan dheeftu marin ha l dhinac kaliya, waa in la abuuraa fahan ku saabsan in awoodda iyo dheefta dalka loo simanyahay ee aan mar walba lagu danaysan awoodda dalka, taas oo macneheedu yahay caddaalad iyo hufnaan siyaasadeed in la abuuro.
Haddiise mar walba la isku hawlo in la beddelo madaxda sare iyo in la raadsho aqoonsi dibadeed ee aan hoos wax loo eegin waxay noqonaysaa kud ka guur oo qanjo u guur ama jugjug meeshaada joog!!.
W/Q Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur