Arigiinnu telefoon ma leeyahay? W/Q Sh Cabdi Qani Qorane

August 31, 2013 - Written by Editor

Boosaaso:-Dadka Soomaaliyeed intii lagu jiray burburka waxay dhinacyada qaar ka muujiyeen horumar ay kaga sarreeyaan dalal ay dowlado u dhisan yihiin, gaar ahaan kuwa deriska la ah dalkeenna, iyagoo adduunka kusoo kordhiyay cilmi iyo hannaan-nololeed cusub aan horay adduunka looga aqoon.

Adduunka intii aysan Soomaaliya burburin waxaa laga aaminsanaa, sheekadana la isuguna jiibin jiray in aan la noolaan karin dowlad la’aan, arrintaas oo beenowday kadib markii Soomaaliya oo burbursaneyd labaatan sano iyo dheeraad ay adduunka u xajiisay in jiritaanka iyo dowladnimadu ay yihiin laba arrimood oo kala duwan.

Dhanka kale marka la eego waxaa la isku waafaqsan yahay in dowlad xumi ay dhaanto dowlad la’aan, maxaa yeelay Dowlad la’aantu waa dhibaato culus, zamankan aynu joognona si ka liidata oo bani-aadam u noolaado lama sawiran karo. In arrinku sidaa yahay isla annaga ayaa u marag ah, adduunkana ugu ah caddeyn muuqata oo aan ka qarsoonaan karin qof walba oo leh laba indhood.
Iyadoo ay sidaa tahay hadana dowlad la’aantii nagu dhacday muddada dheer waxaa laga kororsaday tajrubo waaqic ah iyo jirto timaameysa wixii waagii hore adduun-weynuhu isugu sheekeyn jiray inaysan sax u wada aheyn sidii la isugu sheegi jiray.

Intaa oo kaliya ma aha ee Soomaalidu waxay adduunka tustay in la jiri karo, la noolaan karo, walibana lasoo kordhin karo horumar ku adag dowlado dhisan oo dhigahooda iyo udbahoodaba leh.

Dhinacyada ay Soomaalidu horumarka muuqda ka sameeyeen waa badan yihiin, waxaana ka mid ah kan ay ka sameeyeen dhinaca ganacsiga ee ay ku tallaabsadeen muddadii burburku jiray, iyagoo dalkoodii intay ka gudbeen ka qeybqaatay dhismaha dalalka deriska, Afrikada fog iyo qaar kamid ah dalalka carabta, iyagoo meelahaas ka noqday lambar adag oo aan la loodin karin.

Waxaa kamid ah dhinacyada ay Soomaalidu tallaabooyinka dhaadheer ka qaadeen dhanka isgaarsiinta, iyadoo ay gaareen heer isticmaalka telefoonnada la gaarsiiyay ilaa reer miyiga, internetkana la geeyay tuulooyinka, sidaa darteedna ay sahlanaadeen arrimo badan oo shalay adkaa sida sahanka roobka, degsiimada wanaagsan & daaqa, raadinta baadida xoolaha, kala warqaadashada iyo hubinta xaaladda amni ee dal iyo degaan iyo isku xiranka miyiga iy magaalada.

Xoolo dhaqdaha ayaa wacaya gaariga caana-teelka ah, hadalkooduna wuxuu u dhacaa tusaale ahaan sidan soo socota:
Xoolo dhaqde: Haloow
Caanteele: Waa kuma?
Xoolo dhaqde: War waa hebele caano ayaan hayaa ee aroorti isoo mar.
Caanateele: Meeqa caag baad heysaa?
Xoolodhaqde: Intaas iyo intaas #
Caanateele: In shaa Allaahu waaberkii diyaar ha kaa ahaadeen

Markii caanaha la geeyo magaalada xooladhaqdihiina is leeyahay Alleylehe hadahan caanateelkii magaalada ayuu joogaa, ayaa xooladhaqdihii kusoo dhacaan walxo uu magaalka uga baahnaa, deedna wuxuu telefoon qalow ku siiyaa caanateelkii.

Xooladhaqdihii: Hebelow ina adeerow waxaad horay iigu soo gaddaa:
– Joodhaa Sokor-maroosi ah (12.5 kg)
– 5 litir oo saliid Xayaad ah
– kiish bur dahabi ah (50 kg)
– Kartoon baasta-faloore ah (5 kg)

-Haaf bariis ah (25 kg)
– Niic caleen shaah ah (12.5)
– iyo afar xabbo oo beteryo Abuu Maroodi ah
Caanateelkii: War heedhe waxaasoo lacag ah kuuma hayee see yeellaa.
Xooladhaqdihi: Berribaan wan sumal ah kuu sii dhiibayaaye wax iisoo jacburi
Caanateelkii: Howraarsan.

Waagii hore in la qabto howlahaas uu telefoonku sahlay waxay reer miyiga ku qaadan jirtay safar sii socod iyo soo socod iyo marti gal isku dhan ugu yaraan 10 casho, haddase waa maalin gelinkeed.

Dadka Soomaalida ah waa dad hal abuur badan, iskuna daya in waxa ay heystaan ay kasii allifaan wax kale oo ka maqan si ay baahiyahooda kala geddisan u daboolaan, isuguna kaafiyaan, baahidoodana ula ekeysiiyaan hadba inta qalab iyo walxo ee ay heystaan.

Waagii hore xoolaha waxaa loo yeeli jiray summad, waana la dabeyn jiray ama dhegaha ayaa la dildillaacin jiray ama dalool loo yeeli jiray si loo aqoonsado summadda neefka. Reer walba “Qabiilo” waxay lahaan jireen summad u gaar ah oo lagu aqoonsado xoolahooda, si haddii ay lumaan ciddii hesha ugu baadi celiso, haddey dakano u dhexeyso qofka helay iyo qolada leh xoolahana xoolahaasi waxay ahaayeen waras iyo wax aan la iska sii wareysan, gaar ahaan dadka intooda aanan xalaasha iyo xaaraantu u kala xeernayn.
Hal-abuurka cusub ee Soomaalidu wuxuu allifay in xoolaha lagu qoro lambarka telefoonka uu qofku wato taas oo sahashay in xoolaha si fudud loo helo haddii ay dhumaan, isla durbadiibana warka xoolaha lasoo gaarsiiyo ninkii xooluhu ka maqnaayeen ee ku qasbanaan lahaa in uu raadkooda goobo, geedo badan iyo dundumooyinna u fuulo si uu bidhaamiyo.

Waa muuqaal soo jiidasho leh marka aad aragtid ri meel daaqeysa oo dhinaca uu kaga qoran yahay lambar telefoon. Marka hore waxaa maankaaga kusoo degdegaya tolow ridu ma hadalkey taqaan, mase dhab baa in ay telefoon leedahay, habase yeelatee yey maxay ku hadashaa maxayse ku jawaabtaa? Waliba dadka Soomaalida ka aaminsan wixii xunba xaawaa leh, waxay markiiba dhahaan waallida Soomaalidu waxay gaadhay inay xoolaha ay telefoonno ku qoraan. Hase yeeshee arrintaas xikmad qotodheer oo waafaqsan xaaladda qofka Soomaaliga ah ayaa ku jirta.
Telefoon ayaa soo dhacaya:
Baadi-haye: Halow
Baadile: Waa kuma
Baadi-haye: Ina adeerow rida telefoonkaas leh ma iga soo doonaneysaa mise waa qashaa?
Baadile: Ina adeerow carruurtaan caddeyska uga listaa, hadda ayaanna kaasoo doonanayaa ee ha iga qalan?
Halkaasaa waxaa ka dhacda is-heybsi, isbarasho cusub, abaal isuheyn iyo is dhexgal hor leh oo dhexmara dad aan horay isu aqoon marmarna kala qabaa’il ah. Kadib waxaa meeshaa kasoo baxda in dadka Soomaaliyeed ee la kala dilay loona kala sheeka xumeeyay uu qofku is yiraahdo “illeen reer hebel dad wanaagsan ayey leeyihiin” maadaama laga dhaadhiciyay reerkeenna ma ogiye Soomaali wax khayr leh kuma jiro.

Ilaahay qulubteenna ha isu soo dumo,dhibaatada nagu daba dheeraatayna ha inaka dulqaado.

Aamiinta iyo ducadu waa kala bar ee barkaaga ha hilmaamin.

W/Q Sh Cabdi Qani Qorane

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online