Baarlamaanka DFS Oo la Shaaciyey Xiliga Uu Furmayo Kalfadhigiisa 3aad

August 26, 2013 - Written by Editor

Prof-JawaariMuqdisho:-Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xiliga uu furmayo Kalfadhiga Seddexaad ee Xildhibaannada Golaha Shacabka.Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaal ka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Kalfhadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka Dalka uu furmayo 10ka bisha September ee fooda nagu soo heeysa haduu Alle raali ka noqdo lana bedelay halkii horey looga qorsheeyey 02-September.

Kadib markii uu dhageystay Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya soo jeedinta gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaa la go,aamiyey in Kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka uu furmo 10ka bisha September ee fooda nagu soo heeysa,ayadoo laga bedelay waqtigii horey loogu qorsheeyey oo ku beegan 02-September-2013 ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Xildhibaannada Baarlamaanka ay xiligii fasaxa gelilahaayeen ee labada kalfadhi aanay fasax aadin oo ay shaqeeynayeen ayagoo ka qeybgalayey Kalfadhigii aan caadiga aheyn,hadana ay Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ugu maqanyihiin gobollada Dalka howlo shaqo taasina ay tahay sababta keentay in xiliga uu furmayo Kalfadhiga Seddexaad laga dhigo 10ka bisha September.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku booriyey Xildhibaannada Baarlamaanka iney dhowraan waqtiga oo ay u diyaar garoobaan inta ka horeysa ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga Seddexaad ee Golaha Shacabka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online