Banaanbax DFS looga soo horjeedo oo ka socda magaalada Baydhabo

August 31, 2013 - Written by Editor

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa sheegaya in banaanbax looga soo horjeedo DFS uu ka socdo magaalada baydhabo

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne badan kuwaas oo ka careysan siyaasada DFS waxaana ay socod dheer ku soo mareen wadooyinka magaalada baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Qabanqaabiyaasha Banaanbaxa ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedada banaanbaxa uu yahay in beelaha Digil iyo Mirifle ay shucuurkooda ku muujiyaan in ay diidan yihiin heshiiskii dhexmay DFS iyo Maamulka J /land.

Siyaasiyiin ka tirsan beesha Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in DFS uga baxday balantii ay la gashay oo ahayd in 6 gobal loo sameeyo hal maamul gobaleed.

Banaanbaxa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah waxgaradka iyo malaaqyada beesha Digil Iyo Mirifle .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online