Ciidanka Masar oo weeraray Fagaaraha Nahda iyo khasaaro badan oo gaaray Shacabka

August 14, 2013 - Written by Editor

masarQaahira:-Ciidamada dalka Masar ayaa saaka weerar ku qaaday fagaaraha Nahda ee deegaanka Giza una dhaw Jaamacada Qaahira waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro lixaad leh waxaa ku dhintay ilaa haatan 43qof halka ay ku dhaawacmeen tiro aad u badan. Ciidanka Melatariga ee dalka Masar ee afganbiyey Madaxweynihii la doortay Maxamed Morsi ayaa shalay balan qaaday in ay weerari doonaan taageerayaasha madaxweynihii Masar Morsi . Taageerayaasha Madaxweyne Morsi ayaa ku sugan fagaaraha Nahda nawaaxiga Jaamacada Qaahira iyo fagaaraha Rabaa al cadawiya ee xaafada Nasr City waxaana ay wili wadaan Banaanbax ka dhan ah ciidanka Afganbiga ku qabsaday talada dalka.

Halkaan ka Daawo Xasuuqa ay geysteen  ciidanka Melatariga dalka Masar

Taageerayaasha Madaxweyne Morsi ayaa weli ku sugan fagaaraha Nasr city waxaana iska horimaad culus uu ka dhex socdaa ciidanka melataiga iyo dadweyne taageersan Madaxweyne Morsi. Sarkaal u hadlay wasaarada arimaha gudaha ee dalka Masar ayaa sheegay in ay ciidanka Masar si buuxda ula wareegeen Fagaaraha Nahda ayna ku sii jeedaan fagaaraha Rabaa al cadawiya ee xaafada Nasr City

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online