Ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso oo qabtay lacag been Abuur ah

August 14, 2013 - Written by Editor

1Boosaaso:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa maanta ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan lacag faro badan oo been abuur ah waxaana ay ciidanka ku qabteen Kontaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee Puntland C/raxmaan Xaaji Xassan ayaa faahfaahin ka bixiyey lacagta ay maanta qabteen ciidanka amaanka mar uu shir-jaraa’id ku qabtay xarunta bankiga dhexe ee Puntland gaar ahaan xarunta Boosaaso.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagta ay qabteen ciidanka amaanka ay gaareyso 100,000,000 (boqol miyan) wuxuuna sheegay in lacagta ay ka timid gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya oo bilihii u danbeysay ay aad ugu bateen Mashiinada lagu sameeyo lacagaha been Abuurka ah Wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee Puntland C/raxmaan Xaaji Xasan ayaa sheegay sidoo kale in ay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo siday lacagta iyo gaarigii ay wateen.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online