Ciidanka amniga ee magaalada Garowe oo caawa fashilyey qarax miino ah

August 23, 2013 - Written by Editor

booliskaslGaroowe:-Ciidanka amniga ee magaalada Garoowe ayaa caawa fashilyay qarax miino oo lagu aasay xaafadda 1-da Agoosto ee magaalada Garoowe lana doonayey in lagu weeraro ciidanka iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntlland. Taliyaha qaybta gobolka Nugaal Gaashaale sarre C/raxmaan Xaaji Abshir oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in miino la aasay ka dibna ay ku soo war geliyeen dadweynaha ku nool Garoowe ka dibna ciidamadu ay qarxiyeen.

Taliyaha qaybta gobolka Nugaal Gaashaale sare C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in ciidanku ay wadaan baaritaano ayna jiraan dad ay ku qayb qabteen howl galo ay ka sameeyeen magaalada Garoowe ayna wadi doonaa howl galka ay ku raadinayaan kuwa doonaya in ay qaraxyo iyo dilal u geystaan haldoorka Soomaaliyeed ee ku nool Puntlland.

Warar hordhac ah ayaa sheegay in Miinada  la doonayey in lagu bartilaamsado ciidanka amniga ee magaalada Garoowe oo maal mihii danbe ka wada magaalada howl galo ay ku sugayaan amaanka , iyagoo baarayyey gaadiidka iyo weliba dadweynaha socda habeenkii waqtiyada danbe.

Qarax caawa ay fashilyeen ciidanka amniga ee magaalada Garoowe ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor uu Taliyaha Ciidan ka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf uu sheegay in ay helleen xog sheegaysa in ururka Al-shabaab ay doonaan in ay qaraxyo iyo dilal ka fuliyeen Puntlland isagoo ugu baaqay ciidanka amniga iyo dadweynuhu in ay foojignaadaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online