Ciidanka Booliska Burco oo howl galo ku qabtay 4 dhalinyaro ah

August 21, 2013 - Written by Editor

ciidanBurco:-Ciidanka Booliska ee  magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay xalay ka fuliyeen magaalada howl galo waxaan ay qabteen ilaa 4 dhalinyaro ah oo ay uga shakisan yihiin in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Taliyaha booliska gobolka Togdheer, Gaashaanlle Axmed C/raxmaan Xassan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay  ay ciidanka Boolisku iyo laamaha kale ee amaanku ay si wadayaan howlgalka ay ku sugayaan amaanka si looga foojignaado kooxaha nabad diidka ah ee doonaya in ay khalkhal geliyaan amaanka Gobolka Togdheer.

Taliyaha booliska gobolka Togdheer, Gaashaanle Axmed C/raxmaan Xassan ayaa  ugu baaqay bulshada ku dhaqan Soomaaliland guud ahaan gaar ahaan Gobolka Togdheer in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka si ay u suganaa amaanka Gobolka.

Gobolka Togdheer iyo qaybo ka mid ah Gobolka Sanaag ayaa ilaa intii ay ciidanka ururka Al-shabaab ka baxeen Gobolladii ay gacanta ku hayeen  waxaa si firxad ah ku yimid dad fara badan  oo qaarkood looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online