Ciidanka Booliska Xasbahale ee Gobolka Nugaal oo qabtay nin ka tirsan Al-shabaab

August 15, 2013 - Written by Editor

BooliskaGaroowe:-Ciidanka  Booliska Puntlland ee deegaanka Xasbahale ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay qabteen nin dhalin yaro ah oo isagu yimid degaanka ka dibna ay dadweynaha ku nool degaanka Xasbahale ay wargeliyeen ciidanka Booliska ka dibna markii ay ka shakiyeen. Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dadweynuhu ay la soo xiriireen ciidanka Booliska ka dibna ay ciidanku qabteen ninkaan dhalinyarada ah oo ahaa nin aad u rafaadsan kana yimid Koonfurta Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays ayaa xusay in ciidanku ay u qaadeen ninkaan dhalinyarada ah magaalada Garoowe ka dibna ay waraysteen uuna qirtay in uu ka mid yahay ururka Al-shabaab ayna ahaayeen ilaa 3 dhalinyaro ah oo doonayey in ay dilal ka fuliyaan Puntlland.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays ayaa sheegay in saddexdaan nin  ee dhalinyarad ah loo soo kala diray  Gobollada Mudug , Nugaal iyo Bari si ay dilal iyo qaraxyo uga fuliyaan. Ciidanka Booliska ayaa ku howlan in ay qabtaan labadii nine ee kale oo iyagu warar soo baxay ay sheegayaan in ay aadeen Gobolka Bari iyo Mudug si ay uga fuliyaan dilal iyo qaraxyo ay u geystaan haldoorka ku nool gobolladaas.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online