Ciidanka Melatariga oo Xaalad Degdeg ah ku soo rogay dalka Masar

August 14, 2013 - Written by Editor

masarQaahira:-Ciidamada Melitariga ee dalka Masar ayaa Xaalad degdeg ah ku soo rogay dalka Masar ka dib xasuuqii ay ka geysteen maanta Fagaaraha Al Nahda iyo fagaaraha Rabaa al cadawiya ee xaafada Nasr City halkaas oo ay ku sugnaayeen taageerayaash Madaxweynihii la doortay Dr.Maxamed Morsi.

Ciidamada Melitariga oo adeegsanaya Diyaarado iyo rasaas nool ayaa ku xasuuqay Fagaaraha Al Nahda iyo Fagaaraha Rabaa al cadawiya ee xaafada Nasr City dadweyne gaaraya boqolaal waxaana dhaawaca uu sii marayaa ilaa 2000 oo qof wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in ciidanka ay gubeen meyd si aan loo aqoonsan tirada rasmiga ah ay dileen.

Ciidamada Melitariga ee dalka Masar ayaa si xoog ah kula wareegay Fagaaraha Al Nahda oo u dhaw jaamacada Qaahira ee ku taal degmada Giza ee magaalada Qaahira iyo iyo fagaaraha Rabaa al cadawiya ee xaafada Nasr City.

Dadweynaha dalka Masar ayaa caawa waxay ka dhigayaan Banaanbaxyo waaweyn gobalada dalka Masar waxaana la gubay xarumo badan oo ay leeyihiin ciidanka amaanka dalka Masar.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online