Ciidanka Nabadsugidda DFS oo xoog ku galay Machadka Al-Sunna ee Muqdisho

August 17, 2013 - Written by Editor

sunahMuqdisho:-Ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya, ayaa shalay gudaha u galay Machadka Al- Sunna ee Barashada Diinta & Dhaqanka Islaamka ee Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan oo iskugu jira kuwa nabadsugidda iyo booliska DFS ayaa saacad markay ahayd 10:00 AM illaa 03:40 PM Baaritaan & Xayiraad ku hayay Machadka Al-Sunna Xaruntiisa ugu weyn ee ku taala xaafada Sheekh Cali Suufi ee Degmada Hodan. Ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay ilaa 13 ardey oo isugu jira 8 gabdhood iyo 5 wiil kuwaas oo xalay ku hoyday xarunta CID-da.

Saraakiisha Hogaaminaysay Ciidamada galay Machadka ayaa waxaa ka mid ah, Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan ‘Joodax”, Taliyaha Hay’adda Danbaarista CID-da, General C/laahi Xasan Bariise, Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Banaadir G/dhexe Maxamed Aadan Koofi, Gudoomiyaha Degmada Hodan Cabdi Maxamuud Warsame Dhabaney, Taliyaha Booliska Degmadda Xamarweyne Maxamed Daahir Cabdulle, Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan, & Madaxa Howlgalinta Ciidanka Booliiska.

Cidamadan ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala Machadka iyaga oo ku qalabaysan gaadiid dagaal iyo ciidan badan. Warsame Maxamed Xasan ‘Joodax”, Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Warbaahinta Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay soo qabteen 13 ardey oo 8 gabdhood oo ka mid ah ay madaxa u xiiran yihiin, balse baaris ay sameysay Hay’adda Dambaarista CID-da lagu xaqiijiyay in eedayntaasi aysan waxba ka jirin.

Dhanka kale Maamulka Machadka Al-Sunna oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Machadka ayaa sheegay in Ciidamada Amaanku ay dhibaato iyo bahdil u geysteen Machadka & ardeydiisaba.

Maamulaha Machadka Sheekh Saalax Maxamuud Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Gudaha Machadka ayaa yiri “Ciidamada Dowlada waxay xoog ku soo galeen Machadka Al-Sunna, waxayna ku sameeyeen inay ka kaxeystaan Machadka Ardey gaaraysa 13 ardey oo 8 ka mid ah ay yihiin Gabdho kuwaas oo ay ciidamadu ku eedeeyeen inay Timaha u xiiran yihiin, taas oo ah war aan sal & raad toona lahayn oo dicaayad ah, baaris ka dibna ay Hay’adda Dambaarista CID-du ogaatay inuu yahay Been abuur iyo suuro xumayn Machadka iyo ardeydiisa, taas oo xuquuqda Muwaadinka meel ka dhac ku ah, waxaa kale  oo machadka maalintaas oo dhan laga xanibay waxbarashadii, waxaa kaloo loo diiday inay khudbadii jimcaha ee waajibka ku ahayd ay soo gutaan, waxaa intaa dheer in Maamulka Gobolka Banaadir uu sumcad xumo ku sameeyay Machadka isaga oo ka sii daayay TV-ga Dowlada in machadku uu yahay Xarun argagixiso oo lagu jalaafeeyo shacabka, arinkaasna waxaanu leenahay waa gaf iyo been abuur, dadka ay ka soo baxdayna waxaan ku tilmaami karnaa inay u dhaqmeen si Mas’uuliyad daro iyo hubsiimo la’aan ah”.

Dhanka kale sheekh saalax ayaa warbixin kooban ka bixiyay machadka , wuxuuna yiri “ Machadka magaciisu waa Machadka Al-Sunna ee Barashada Diinta islaamka & Dhaqanka Toosan, waxaa la aas’aasay 2006, wuxuu shaqeynayaa mudo 8 sano ah, wuxuu faracyo kala duwan ku leeyahay degmooyinka Muqdisho qaarkood sida: Degmada Hodan oo uu ku yaala xarunta ugu weyn ahna midda uu dhibku ka dhacay, Degmada Madiina, Degmada Huriwaa iyo Deegaanka Garasbaaleey, waxaa illaa iyo hadda ka qalin jabiyay 8 Dufcadood oo gaaraysa 768 ardey, waxaana hadda dhigta 705 ardey oo 400 ka mid ah ay yihiin Gabdho 305-na ay yihiin wiilal, wuxuu hadafkiisu yahay inuu Shacabka Soomaaliyeed baro Diinta Islaamka, wuxuuna hoos tagaa Daladda Macaahidda Sharciga ee Soomaaliya, Daladuna waxay ka diinwaangashantahay Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya, Machadka wuxuu bixiyaa Shahaado Sharci ah oo Dugsi sare ah”.

Ugu danbeyntii Maamulaha Machadka ayaa ka codsaday Dowlada Soomaaliya inay si deg deg ah oon shuruud ku xirnayn u soo dayso ardeyda maadaama aysan horey ugu arag wax danbi ah, waxa hadda lagu soo eedeeyayna ay tahay been abuur sal iyo raad toona lahayn.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay Dowlada Soomaaliya Dhibaato noocan oo kale ah u geysato machadka, xiligii dowladii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf ayaa dhamaan Ardeyda, Macalimiinta & Maamulkaba Xabsiga loo taxaabay iyada oo ay mudo bil ah ku jireen xabsi ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana ay ciidamadu ka qaateen machadka agabkii waxbarashada ugu muhiim sanaa sida Computeradii & Documentiyadii waxbarashada.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online