Dadka culimada xagxagta ma caammadey xaq-dhowraan? W/Q Sh Cabdi Qani Qorane

August 27, 2013 - Written by Editor

qoraneCulimada diinta Alle aqoonta u leh Ilaahay waa darajeeyay, ixtiraamkooda iyo qadarintoodana wuxuu ka dhigay qeyb ka mid ah isaga qadarintiisa. Taa macneheedu waxa weeye qofkii culimada qadariya Ilaahay ayuu qadiriyay maadaama waxa uu ku qadarinayo uu yahay cilmiga Ilaahay soo dejiyay ee ay xambaarsan yihiin, qofkii xaq dhowri waayana wuxuu ka dhigan yahay qof Alle ku ixtiraam darrooday arrintaas oo ah jariimo aad u culus.

Ninkii gabyay wuxuu yiri: Sheydaan malcuunaa u col ah sheekh muxaafid ahe

Haddii ummadda aan kasoo qaadno sidii qoys dhisan, culimadu waxay taagan tahay booska waalidka, waxaynuna la wada socon naa in waalidku leeyahay xaq ka weyn midka ubadku ku leeyahay waalidka. Haddaba iyadoon adillo kale meel fog laga doonin waxay garashada fiyow inoo tilmaameysaa in qof waalidkii ku caasiyay uusan cid ka hooseysa ixtiraameyn, soomaaliduna waxay tiraahdaa “Nin hooyadii gabay aayadii har ma geeyo”.

Haddii arrinku sidaa isugu xiran yahay waxaan halkaa ka dheeganeynaa in qofkii ixtiraami waaya dadka ixtiraamkooda la isku waafaqsan yahay, barkoodna waajibkaba yahay sidda culimada inuusan caamadana xurmo u heynin haba yaraatee, maxaa yeelay haddii uu ka heybeysan waayay caalimka isku darsaday islaamnimo, aqoon, da’ Alle ka cabsi iyo diin u khidmeyn ma dhacdo in uu qadariyo qof intaas oo shey oo la isku tixgeliyo aan wada heysan ama in yar ka heysta, haddii ay dhacdo in uu marmar muujiyo tix gelinna dan u gaar ah ayuu ku gaarayaaye ma aha mid daacadnimo iyo xaq dhowr uu ka keenay.

Waxaa jira arrimo si fudud u kala farcama oo fahamkoodu u baahneyn in juhdi badan loo maro. Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa arrimahan:

Nin Ilaahay beeniyay rasuul ma rumeeyo
Nin nabigiisi beeninaya nabi kale ma aamino
Nin sheekh caayay ama ciidda afka udaray caammo uma joojiyo
Nin waalidkii caasiyay walaalihii baarri uma u noqdo
Nin hooyadii dilay aayadii ma daryeelleeyo
Nin faralkii gudan waayay sunno ma ilaaliyo hadduu mar uun gutana lagama aqbalo

Ha sugin, hana u fadhiyin, maxaa yeelay hortaa jiraa waayay inaad adigu heshana waa wax aan dhacaynin.

W/Q Sh Cabdi Qani Qorane
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online