DFS iyo Maamulka Jubba oo heshiis ku gaaray magaalada Adis Ababa[Akhriso]
August 28, 2013 - Written by EditorAddis:-Warar naga soo gaaray magaalada Addis Abba ayaa sheegay in hishiis ay wada gaareen wafdiga Dowllada federaal ka soomaaliya iyo Madaxda Jubbaland si rasmi ah loo saxiixi doono maanta ka dib markii ay IGAD iyo beesha caalamka ay saareen cadaadis badan. Warar ayaa sheegay in lagu hishiiyey in maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaan ay sii shaqeeyaan mudo dhan 2 sano iyo in dhaqaalaha ka soo baxa Dekkada iyo Garoonka diyaaradaha Kismaayo in mudo qoloba ay mar maamulayso ka dibna gudi gaar ah loo sameeyo IGAD ay wax kala socoto.
Waxaa kale oo maamulka Jubbaland magaciisa lagu bedelay Maamulka Jubba , hishiiska oo faahfaahsan baan dib idinkagu soo gudbin doonaa insha Allaah.
Halkaan ka akhriso nuqul ka mid ah hishiiska ay wada gaareen DFS iyo maamulka Jubbaland
A/cawaale
Halgan.net