Dhegeysiga dacwad ka dhan ah hoggaamiyihii Ikhwaanul Muslimiin oo Masar ka bilaaban doonta.

August 25, 2013 - Written by Editor

Qaahira:-Maxkamadda sare ee Masar ayaa maanta la filayaa in ay bilaawdo in ay qaado dacwo ka dhan ah hogaamiyaha sare ee Ururka Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Dr.Maxamed Badiic.

Maxkamadda sare ee dalka Masar ee ka amar qaadata ciidanka Melatariga ee inqilaabka ku qabsaday dalka Masar ayaa eedeyn kala duwan u soo jeediyey hogaamiyaal sare oo ka tirsan Ururka Ikhwaanul Muslimiin waxaana ka mid ah raga ilaa haatan la shaaciyey magacyadooda Dr Maxamed Badiic ,Kheyrat Shaadir iyo Rashaad Biyuumi.

Ilaa intii xilka laga tuuray Madaxweyne Mursi ayaa waxaa ka bilaawday dalka Masar kacdoon ka dhan ah ciidanka Inqilaabka ku qabsaday xukunka waxaana banaanbaxyo ay dhiig badan ku daateen ay ka socdaan ilaa haatan dhamaan gobalada dalka Masar.

Wadanka Masar ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay taageerayaal badan oo ka tirsan Ururka Ikhwaanul Muslimiinka kuwaas oo haatan aan la aqoon meesha ay ku danbeyn doonto xaaladooda.

Maxkamada sare ee dalka Masar ayaa xabsiga ka sii daayey Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak taas oo ay ka biyo diideen dadweynaha dalka Masar .

C/fitaax Cilmi
Masar
Qaahira

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online