Dowllada Puntland oo shaqo joojin ku soo rogtay SNTV

August 18, 2013 - Written by Editor

sntvGaroowe:-Warsaxaafadeed ka soo baxay maanta Xafiiska Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxaa shaqadii laga joojiyey warbaahinta DFS ee (Radio Muqdisho iyo Tv SNTV )kuwaas oo ka howlgali jiray Deegaanada Puntland. Wasaarada warfaafinta Puntland ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in ay baaritaan ku heyso warar lagu faafiyey warbaahinta DFS waloow aysan faahfaahin ka bixin.

Wareegtada lagu joojiyay shaqada warbaahinta DFS ayaa waxay u qorneyd sidan.

Ku Dhammaan Hawlwadeennada Somali NationalTV Rugahooda
Og: Wasaaradda Amniga iyo DDR Garowe
Og: Puntland Radio&Tv Garowe
Og: Madaxtooyada Dowladda Puntland Garowe

Ujeeddo: Shaqo ka joojin SNTV

Inta warar la helay laga salgaadhayo,SNTV waxa laga joojiyay howlgalkiisii uu ka hawlgalayay Puntland mudo 10-maalmood ah oo ka bilaabmaysa August 18-08-2013 Saacada 1:00 Duhurnimo.Sidaasi daraadeed,hawlwadeennada telefishinka SNTV waxa la farayaa in ay amarkaasi si buuxda u fuliyaan. Wasaaraddu waxay bilawday baaris ku saabsan arrimo la xariira Tv-gaasi,waxayna go’aankeeda dambe ku qaadan doontaa natiijada baaristaas.

Axmad Shiikh Jaamac Yuusuf
Wasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online