Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo shir uga socdo dalka Itoobiya

August 21, 2013 - Written by Editor

shirka-AddisAddis-Abba:-Waxaa magaalada Addis-Abba ee caasimada dalka Itoobiya ku sugan wufuud ka kala socoda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo maalmo ka hor soo gaaray dalka Itoobiya. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo maamulka Jubbaland oo uu hogaaminayo Axmed Madoobe ayaa shalay gaaray dalka Itoobiya waxaan ay kulamo gaar gaar ah la qaateen  Madax ka tirsan dowladda Itoobiya iyo IGAD oo u kala dab qaadayey 2-da wafdi.

Habeenkii xalay ayaa labada wafdi ee kala matalaya Dowllada federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxaa ay iskugu yimaadeen kulankii ugu horeeyey ka dib markii casho sharaf uu u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyagu diiday kana soo horjeestay maamulka Jubbaland ee dhawaan lagu dhisay magaalada Kismaayo iyadoo arintaas ay abuurtay buuq iyo is qabqabsi sababay in dagaal uu ka dhaco gudaha magaalada Kismaayo ka dibna xubnihii taageerayey Dowladda Federaalka Soomaaliya laga saaro magaalada Kismaayo.

no images were found

Dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo ka dib ayaa waxaa bilawday in dowladdaha ay ciidankooda joogaan Soomaaliya in ay u qabtaan kulamo gooni gooni ah oo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka ka dhex aloosan  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland iyadoo qaabka khlaafka loo xalinayo ay ku kala aragti duwanaayeen dowladdaha ku bahoobay IGAD.

Ilaa hadda lama yaqaan wax ka soo bixi kara shirka uga socoda dalka Itoobiya madaxda Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland balse ajandayaasha horyaal oo la doonayo in ay ku hishiiyaan ayaa waxaa ka mid ah:-

1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsato maamulka Jubbaland ee dhisan maadaama uu arrinkaas uu xaq u siinayo Dastuurka dalka .

2. In Maamulka Jubbaland uu aqblo in maamulkiisu yahay ku meel gaar midka rasmiga ahna ay Dowladdu wax ka soo dhisayso.

3.In dhamaan taageerayaashii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga saaray Kismaayo ciidan iyo siyaasiyiinba ay dib ugu soo laabtaan magaalada.

4.In Dowladda Federaalka ay maamulka Jubbaland dhismihiisha aqbalaan wixii deeqo ah oo caalamkana uu qaybtiisa hello.

5.In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegto maamulka Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Kismaayo iyo in wax hishiiska ka dhiman lagu dhamaystiro magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo jira qodobo kale oo aan weli si rasmi ah u soo shaac bixin  balse la filayo in dhawaan ay soo shaac bixin doonaa.

Source Sawirada waxaa leh dhanaan media

Cabdi Yare
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online