Dulmigu ma daa’imo. W/Q: Sh. Fu’ad Maxamuud X. Nuur

August 21, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Dunida intii Rabbi taagay dulmiguna wuxuu ka mid ahaa sooyaalka nolosha, waxaa hadba soo bixi jirey Qooqaa dadka ku tunta oo aan arxamin, laakiin muddo kaddib waa uu galban jirey taariikh duna waxay ku qori jirtey baal madow. Fircown, Namruud, Jaaluut iyo kuwo badan ayaa qur’aanku ka warramay, waxay muddo dhabi dhistaanba waa tageen, wax wanaag ahna laguma sheegin, dadkij xaqa waday xilliyadaas waxaa qur’aanku ku sheegay wanaag, waxaa kale oo ay heleen guul adduun iyo nimco aakhiro.

Dulmiga Masar ka dhacaya iyo daalimiintuba wey tagayaan, xaquna wuu harayaa idanka Alle waxaase lagama maarmaan ah.

1. Adkaysi iyo dulqaad, waa in mabada’a lagu adkaystaa, waa in xaqa loo halgamaa, isla markaas waa in dulqaad la yeeshaa oo aan lagu dhicin wax aan sharcan bannaanayn, wax maslaxadda guud dhaawacaya iyo in inta lagu tallaabsado wax aan la awoodin oo aan Rabbiba nagu kallifin asn weyno wax badan oo qaali ah tobannaan sanona aan dib u noqono.

2. Xikmad iyo xeelad, xikmaddu waa in inta suura galka ah kaliya laga shaqeeyo si sharciga waafaqsan oo misana qurux badan, xeeladdu waa in aad la timaaaddib tabo wax tar adiga kuu ah cidda kaa soo horjeeddana dharbaaxo ku ah.

3. Waa in aynu ogaanaa in ay ina saarantahay masuuliyad weyn oo ab in asn cid walba hidaayo la rabno ee aynaan dadka cadaab u horseedin, xitaa kuwa ina dulminaya, hadalku waa inuu hufnaadaa, ducada waa in la badiyaa, habdhaqankuna waa in uu soo jiitaa cid walba kii dulmigu ku gaamurana waa in uu ku noqdaa nabar qalbiga xoqa oo uu ka gam’iwaayo.

4. Waa in aynu ogaanaa hayaanku waa dheeryahay, dariiqu waa qodax iyo qaniinyo badanyahay, waa in hadaba maraaxil la guuraa, hadba geeddiga la furaa, qaar badani asqo iyo qaniinyaba ha u dhintaane waa in inta badan dadka iyo duunyada guryasamo la gaarsiiyaa, taasina waa masuuliyad u baahan fakar iyo lexejeclo weyn.

5. Niyad jabka iyo isdhiibku waa habdhaqan qur’aanku inoo diidey, dhibku intuu doono ha le’ekaadee waa in hanka iyo hammigu aanu is dhimin.

Ugu dambayn baryada Alle iyo cuskigiisu waa hubka ugu muhiimsan ee gabood falayaasha aynu u haysanno, waa in aynu xagga Alle u badannaa in badanna u dhawaaqnaa.

W/Q: Sh. Fu’ad Maxamuud X. Nuur

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online