Ereyada Murtad iyo Munaafiq oo suuq ku dhex leh Al-shabaab

August 27, 2013 - Written by Editor

logo-alshabaabBaraawe:-Xubnaha  xarakada Al-Shabaab, ayaa waxaa   ka dhex bilaabatay inay isku yiraahdaan  ereyada “Murtad iyo Munaafiq Ilo xogo gaal ah oo ku sugan magaalooyinka Baraawe, Qoryooley, Jilib iyo Buulo-burde, ayaa sheegaya in xubnaha xarakada dhex dooda,  ay si weyn isugu isticmaalaan ereyada Murtad iyo Munaafiq, kuwaasoo xukun ahaan ah kuwo aad u culus, dadka isticmaalaya qaarkoodna khatarka ereryadaasi leeyihiin magaranayaan.

“Kooxda la safan Abuu Zubeyr markay ka hadlayaan kuwa ka soo horjeeda ee ay qaarkood laayeen way u isticmaalaan Murtad, kuwa kalena laftigooda waa isticmaalaan, laakiin waxaa ka isticmaal badan kuwa Abuu Zubeyr” ayuu yiri mid ka mid ah Culimada la safan Al-Shabaab oo ku sugan magaalada Baraawe,  oo  aan dooneynin in magaciisa la xigto.

Hadafka laga leeyahay isticmaalka ereygaan, ayaa ah in qaarkoodba qaarka kale ay dhiiggiisa banneystaan, iyadoona goor sii horreysay uu  Abuu Mansuur Al-Amriki,  sheegay in amiirka xarakada uu qaab cayaar cayaar ah u adeegsadao ereyga Murtad.

Dad badan oo Soomaaliyeed, ayaa Al-Shabaab dhiiggooda ku daadiyeen magaca Murtad, waxaana dadka arrimahan u kuurgala ay goor horeba saadaaliyeen in dhexdoodana ay isku leyn doonaan ererygaan oo qoloba qolada kale ku shaabadeyn doonto, taasna hadda waa muuqataa.

Waxaa dhawaanahan soo ifbaxayey is eedeyn dhexdooda ah, iyadoona waxa hadda laga filanayo ay tahay inay sku sheegaan Khawaarij, waxaana arrimahan horey uga digay Culimada iyo iindheer garadka Soomaaliyeed.

Isha qoraalkan Somalireal,com

somalireal@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online