Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF oo ka baxday Soomaaliya

August 14, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay in ay joojisay dhamaan howlihii ay ka heysay Soomaaliya waxaana ay xirtay dhamaan xafiisyadii ay ku lahayd dalka.

Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF ayaa ka howlgaleysay gudaha dalka Soomaaliya 22-kii sano ee ugu dambeeyay waxaana dhowr jeer weeraro ku qaaday kooxo burcad ah .

Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF ayaa maanta warsaxaafadeed ka soo saartay sababa ay uga baxday Soomaaliya waxayna sheegtay in kooxo abaabulan oo leh hogaamiyaal shibil ah ay ku lug leeyihiin weerarada lagu qaaday MSF iyo Shaqaalaheeda.

Guddoomiyaha Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF Unni Karunakara ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan 1,500 oo shaqaale ay hay’adda uga shaqeynayeen gudaha Soomaaliya waxaana ay ka howlgali jireen Muqdisho, Gaalkacyo ,Kismaayo,Afgooye,Balcad,Jowhar,Diinsoor,Jilib,Burco,iyo magaalooyin kale.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online