Jeneraal Cali Xasan Lowyaan (Cali madoobe ) oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Leicester

August 22, 2013 - Written by Editor

yare yareLeicester:-Waxaa magaalada Leicester ku yimid booqasho  gaaban Jeneraal Cali Madoobe oo horay u ahaan jiray Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Leicester ayaa u soo dhaweysay jeneraalka si aad iyo aad u heer sareysa iyagoo halkaasi ugu sameeyay casho sharaf ay soo qabanqaabiyeen dhammaan jaaliyadda soomaalida ee Leicester.

Jenerall Cali madoobe ayaa jaaliyadda uga warbixiyey guud ahaan xaaladaha uu dalkeena soomaaliya ku sugan yahay iyo waliba xaaladihii ugu danbeysay ee Jubbooyinka. Jeneraal Cali Madoobe oo runtii ka mid ahaa budh dhigayaashii maamulka Jubbaland state of Somalia ayaa aad u amaanay soo dahweynta diiran ee ay u sameeyeen jaaliyaddu.

no images were found

Waxaa xafladaas goob joogayaal ka ahaa aqoonyahano, waxgarad iyo waliba mas’uuliyiin sare oo soomaaliya xilal hore kasoo qabtay iyo ganacsato waaweyn oo can ka ah East midland. Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdi Maxmaed Tarax , Yaasiin Daahir, Maxmed Nuur yaryare, Cabdirisaaq Tahliil, Xasan Oslo iyo Cabdi Deeq. Waxaa iyaguna xusid mudan in ay halkaasi goob joog ka ahaayeen ganacsadayaasha kala ahaa Cabdirisaaq Dhamac, Fu’aad iyo Cabdicasiis Qoolif.

Gabagabadii Xafladd waxaa halkaas loogu mahadceliyey dhammaan qabanqaabiyaashii shirka gaar ahaan Farxaan Cali Nuur, Cali Gacameey, Guhad i,  Cilmi iyo Cali Taaliin.

Diyaariye bahda Iftiinshe Media
Leicester, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online