Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-hidaaya ee Nairobi Sh Shibli.[Dhagayso]

August 23, 2013 - Written by Editor

shible1Nairobi:-Sh.Maxamuud Maxamed Shibli oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa ka jeediyey khubadii Jimce ee maanata  Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi  isagoo Sheekhu uu sii waday mowduucii uu horay uga hadlay Jimcihii hore oo ahayd waajibka ka saaran Culimada diinta Islaamka in ay ka difaacaan kuwa beenaalayaasha ah  ee iyagu shaqadoodu tahay in ay bedelaan nusuusta Quraanka iyo Sunadda Nabigeena Mohamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

Sheekh. Shibli ayaa waxaa uu ka sheekeeyey kuwa ku dhacay xadgudubka diineed  oo ay ugu horeeyaan kuwa bulshada Islaamka gaalnimada ku xukumay,iyo kuwa umadii bidcaysiiyey oo ay culimada islaamku ay cadeeyeen in ay ka leexdeen Jidkii Ahlusunaha ayna la galeen dagaal xujo ah ka dibna ay kaga adkaadeen.

Sheekh Shibli ayaa waxaa uu xusay in musiibada umada Islaamka lagu gaalaysiiyey ay ka soo bilaabatay markii  ducaadii iyo culimadii dalka Masar la xir xiray laguna ciqaabay xabsiyada dalkaas ka dibna ay bilaabeen in ay dadka ku xukumaan gaalnimo iyagoo ku eedeeyey in ay u gargaari waayeen sidaasna ay fikriga uu ugu soo faafay dalalka islaamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Sheekh Shibli ayaa ku celceliyey  in culimada Islaamka ay diinta u istaagaan oo ay xaqa  cadeeyaan waxaan uu sheegay diinta islaamka  uu ku socdo duulaan dibada ah iyo mid gudaha ah loona baahan yahay in kuwa beenaalayaasha ah laga difaaco loogana difaaco xujo siddii ay sameeyeen culimadii hore ee Islaamka.

Sheekh Shibli ayaa sheegay in culimadii hore ee Islaamka marka aad akhriso  Kitaabadii ay qoreen aad ku arkeysid iyagoo kuwa diinta ka been sheegay leh kaas iska jira waa beenlow.

Hoos ka Dhagayso Khubadii Jimce ee Masjidka Al-hidaaya Sh Shibli

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/ctotp12872/khudbadi_2.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Yaasiin Cabdi Axmed
Nairobi,Kenya

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online