Lacag been abuur ah oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari
August 28, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Maxkamada Drajada koowaad ee Gobolka Bari ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday lacag been abuur ah oo lagu qiyaasay ilaa 427 Milyan oo shilin Soomaali ah. Lacagtaan been abuurka ah ayaa waxaa qabtay ciidanka Booliska Boosaaso waxaan lagu xareeyey Bangiga dhexe ee Puntlland iyadoo maanta uu xeer ilaaliyaha Maxkamada darajada koowaad Bashiir Hoobalay uu soo jeediyey in lacagtaan lagu rido xukun gubid ah.
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Bari Axmed Salaad Maxamed ayaa waxaa uu markii uu dhagaystay dacwada xeer ilaaliyaha iyo marqaatiyaal waxaa uu ku riday xukun ah in lacagta lagu gubo meel fagaaro ah.
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Bari Axmed Salaad ayaa xusay in lacagtaan ay abuuri karaysay sicir bar oo dhibaato ay ku keeni lahayd bulshada ku nool Puntlland haddii aan go’aankaa uga qaateen.
M_M_Deeq
Halgan.net