Lan adi irsheey tahay aano ma ma ka dhergaaw W/Q Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

August 25, 2013 - Written by Editor

fuaadOraahdaan waa tiraab huwan xikmad aad u xeel dheer, waa af soomaaliga maayga loo yaqaan, sidda ay ku timid waxay ahayd nin lo’leey ahaa oo waliba ceenad (hodan) ahaa degganaana gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa degaankiisii la soo gudbbanaadey abaar geed ma reebta ah, lo’duna waxay ka mid tahay gees leeyda abaarta u nugul, oo aan harraadka u dulqaadan karin.

Lo’da dhayda laga maalayiyo dhiiqa iyo xoorka.
Dhudhunkey biyaha kula jirtiyo dharabka weeyaane.
Kol haddey abaaruhu dhacaan dhimatag geesleeye.
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geel. Cumar Xaaji Xuseen (Australia).

Markii jiilaalkii soo adkaadey oo baad iyo biyo la waayey, dhowr nur cirku baaqday ayaa lo’dii tarab tarab u le’atey, sacii u dam beeyey markii uu bakhtiyey ayuu ninkii go’aan ku gaaray in uu saca saanta kala baxo oo uu magaalo ku galo, markii uu haraggii kala baxay oo uu dhisay si uu ugu qallalo ayaa ilaahay amarkii cir iyo dhul ballameen cirkii baa daruur is xiray, roob mahiigaan ah ayaa ninkii barta saaray markaas ayuu caroodey oo inta haraggii u dhisnaa milicsadey yiri (lan adi irsheey tahay aano ma ka dhergaaw)!!, macnuhu waxaa weeye nin aad adigu cirkii tahay caano ka dhergi maayo, waayo wuxuu leeyahay markii aan cayroobey miyaad soo curatay oo wax tar daaye haraggii aan ku cid gali lahaa miyaad iga khasaarisay!!.

Ninku haba qanaaco xumaado oo ha dambaabo ee aniga oraahda ayaa I soo jiidatey, waxaan eegay sooyaalka soomaalida, waxaan yar milicsadey tagtadii siyaasadeed ama dawladeed ee soomaalida, waxaan fayiigsadey muuqatada ama waxa jooga ee hadda dawladnimada ah iyo sida dadku dawladnimada u yaqaanaan gaar ahaan hoggaank siyaasadeed ee ku kala baahsan dalka daafihiisa, waxaan odorosey timaaddada ama maqanta soo socota waxaa ii soo baxay in dadka soomaali la yiraahdo ay yartahay in Hoggaamiye ka dhasho hadduu ka dhashana in mid daacad ahi ka dhasho!!, taasi waxay keentay in dawladnimada soomaalidu noqoto danaysi qofeed, qoyseed, beeleed iyo waliba kooxeed.

Waxaa jiilba jiil ka dhaxlayaa reer hebel baa haysta, reer hebel baa ka degay, reer hebel baa kallan, waxaad mooddaa ceel, mataan ama laas miilo ah, oo misana miiladu tahay boob iyo is muquunin!!.

Waxaa caado noqotay in markii mid madax ah oo qaati laga istaagay la beddeloba in la yiraahdo sidii nimankii reer harar (إذا رأيت حبشي فرنج حاج) oo macneheedu yahay kii hore ayaa bili u caano shubatay, dawlad yaqaan buu ahaa, waxaa waa dhaamey, Alle u naxariisaygii iyo ereyo kale oo aad marwalba maqlaysid, taasina waa tilmaan ku tusaysa in dadka soomaaliyeed iyo madaxdoodu is leeyihiin oo ay tahay arrintu isu ekaa ma Aabbe iyo hooyaa wada dhalay!!.

Marka soo lama oran karo dadka hoggaankoodu saas yahay caano ka dhergi maayaan, dhanka kale soo lama oran karo shacabka madaxda noocaas ah dhalaa caano ka dhergi maayaan!!.

W/Q Sh Fu’aad Xaaji
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online