Machad Imaamu Shaafici oo laga furay degaanka Daarusalaam ee degmada Yagoori.[ Video+ Masawiro]

August 14, 2013 - Written by Editor

DSC_0102Yagoori:-Waxaa alle mahadiis ah in gabdho walaalo ah oo ku nool Ingriiska gaar ahaan magaalada Manchester ay dadaal dheer ka dib ay ku guulaysteen in ay dhisaan dhismo cusub oo lagu baranayo diinta Islaamka iyagoo ka hirgeliyey degaanka daaru Salaam oo ka tirsan degmada Yagoori. Degaanka Daarasalaam ayaa waxaa horay loo oran jiray Guumays, gabdhaha ku guulaystay in ay dhismahaan diiniga dhismihiisa ay gacan ka geystaan ayaa waxaa ka xusi karnaa  Faadumo Diiriye Cartan iyo Caasha Cawad Baaruud.

Degaanka laga hirgeliyey xaruntaan diiniga ah ayaa waxaa ku nool dad xoolo dhaqato ah oo tiro badan, xaruntaan diiniga ah ayaa waxaa loogu magacdaray Machadka Imaamu Shaafici waaan Machadkaan uu noqonayaa kii 25-aad ee laga hirgeliyo Gobollada Sool ,Sanaag iyo Cayn.

Furitaanka Machadkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay culimada degaanka oo uu ugu horeeyo Sheekh Cabdiwaaxid Xaashi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee  isago la hadlay dadkii Xaflada ka soo qayb galay isagoo dadka ku booriyey in laga faa’iidaysto Machadka Imaamu shaafici ee cusub isagoo bogaadiyey gabdhaha dadaalka ku bixiyey dhismaha machadkaan.

no images were found

Munaasabadaan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad u sareeya una wanaagsan waxaana halkaas Cuqaasha , iyo odayaasha  dhaqanku sheegeen in ay soo dhaweeyeen dhismaha machadka imaamu shaafici iyagoo dadka ugu baaqay inta ka dhiman machadka in si dhaqso ah loo dhiso ayna ka qayb qaataan dad weynaha Soomaaliyeed dibada iyo gudahaba. Machadka cusub ee Imaamu Shaafici ee laga hirgeliyey degaanka daaru salaam ayaa ah mid muhiim ah maadaam uu deegaanku Xad dheer la leeyahay  Gobolka Togdheer.

Daawo Machadka Imaamu Shaafici ee laga furay Daarusalaam degmada Yagoori

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online