Madaxweynaha DFS oo magacaabay Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed.[War-saxaafadeed]

August 27, 2013 - Written by Editor

IMG_0446Muqdisho, 27 August 2013  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamud ayaa maanta ku dhawaaqay in la aasaasay Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo leh Xogheyn gaar ah oo daba gal ku sameysa fulinta go’aanadda Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha oo furitaankii shirkii ugu horreeyey maanta shir guddoominayey ayaa yir “ Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ugu sareysa Qaranka oo dajineysa Siyaasadda iyo Istraatiijiyada Amniga Qaranka Soomaaliyeed si loo sugo amniga iyo xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso amniga rayidka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed. “

Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed, waxaana xubin ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiradda Gaashandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maaliyadda, Arrimaha Dibedda iyo Garsoorka. Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga, Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta.

Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa usbuuciiba mar lagu wadaa inay kulmaan oo ay dejiyaan Istraatejiyada iyo siyaasadda Amniga Dalka. Xogheyntana laga sugayaa inay xiriirka iyo dhaqangelinta go’aanadda dabagal ku sameeyaan.

          DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President, 
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com+252 615 479911 or +252 699 998854 Twitter -@thevillasomalia – Facebook – The Villa Somalia (State House of Somalia)

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online