Madaxweynaha DFS oo la kulmay Taliska guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga

August 28, 2013 - Written by Editor

IMG_0697Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kormeeray taliska cusub ee qeybta 12ka Abril iyo Taliska guud  Wasaaradda Gaashaandhiga. Madax weynaha oo la hadlayey ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay, kuna dhiirigeliyey dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha Nabad-diidka ah.

Madaxweynaha oo la dardaarmayey ciidanka ayaa yiri ” Shacabku waxey idinka sugayaan inaad badbaadisaan oo aad sharafkooda iyo karaamadooda illaalisaan. Waad ku ammaanantihiin dagaalka kooxaha nabad diidka,  oo Shacabku waxey fursad u heleen inay guryahooda ku laabtaan.  Hase yeeshee falalka kufsiga iyo isbaarooyinka waa amni-daro Qaran,  oo ciddii lagu helo lala tiig san doono sharciga,  lana marsiinayo ciqaabta ugu adag. Waxaan dhowaan dib-u-howlgelin doonaa Isbitaalkii Xooga si loo daryeelo caafimaadka ciidanka.  ”

Madaxweynaha ayaa kormeerkan ugu kuur galayey xaaladda ciidanka,  una sameynayo dhiirigelin lagu Dar-dar gelinayo sugidda amniga.Dowladda ayaa in muddo ah ku howlaneed dib u habeynta hay’adaha amniga ,tababaro la siiyey ciidanka oo tayadooda kor loogu qaadayo, si loo soo celiyo haybaddii iyo sharaftii ciidanka Soomaaliyeed.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online