Madaxweynaha DFS oo soo dhaweeyey hishiiska Itoobiya wada hadalna ay la furayaan Puntland

August 30, 2013 - Written by Editor

madaxweyneMuqdisho:-Madaxweynaha  Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud  ka hadlay warbaahinta ku hadasha Afka- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu soo dhaweeyey hishiis kii dhawaan ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha  Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu xusay in sababta ay hishiiska ula galeen Maamulka Jubbaland oo ay horay dhowr jeer u sheegeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan  aqoonsanayn ay hadda u aqabaleen maamulkaas  si dowladdu ay dhinac dib u hishiisiin ula furto shacabka Soomaaliyeed.

Dhinac kale Madaxweynaha  Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in dowladdu ay hishiis iyo wada hadal ay la furi doonto Madaxda Puntlland isagoo sheegay in uu aad uga xun yahay in maamulka Puntlland  ay ku dhawaaqaan in ay xiriirkii u dhexeeyey dowllada ay joojiyaan.

Madaxweynaha  Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa sheegay  in dowladdiisu ay wado qorsho ay wada hadalo kula furayso Puntlland  si meesha ay uga baxaan madmadow soo kala dhex galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntlland.

Hadalka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa ku soo beegmay xili maalmo ka hor ay Puntlland shaaciyeen in ay hakiyeen xiriirkii iyo wada shaqayntii ka dhexeysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online