Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Itoobiya

August 19, 2013 - Written by Editor

madaxweyneAddis-Abba:-Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Itoobiya isagoo la filayo in uu wada hadlo uu la galo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isagan saaka gaaray magaalada Addis-Abba ee caasimada dalka Itoobiya.
Magaalada Addis-Abba ee caasimada dalka Itoobiya ayaa  waxaa horay ugu sugnaa wufuud kala matalayey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxaa ay kulamo goon gooni ku qaateen Dalka Itoobiya iyadoo la sheegayo in aragtiyo badan la isku soo dhaweeyey.

Wasiiru dowllaha madaxtooyada Dowllada Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir iyo wafdi la socda ayaa in mudo ah ku sugnaa dalka Itoobiya waxaan uu kulamo goono gooni ah la qaatay madax ka tirsan maamulka Jubbaland walow dhowr jeer la is fahmi waayey.

Shirarka u socda Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulka Jubbaland ayaa waxaa garwadeen ka ah dowlladaha ku bahoobay ururka IGAD walow aragtiyo kale duwan ay ka qabaan qaabka loo wajahayo arrinta maamul usamaynta Gobollada Jubooyinka iyo gobolada kale ee dalka.

Warar hordhac ah ayaa sheegay in shirkaan uu hadda yahay mid la doonayo in lagu hishiisiiyo Dowllada Federaalka Soomaaliya  iyo madaxda maamulka Jubbaland waxaa shirka wada dowlladaha ay ciidankooda joogaan Soomaaliya iyo beesha caalamka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online