Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo u dhoofay Nairobi.

August 26, 2013 - Written by Editor

farooleGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Faroole ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxana socdaalkiisa ku wehelinayay wasiirka arrimaha gudaha Gen.Claahi Ilka jiir, wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan, wasiirka Caafimaadka Dr.Cali Cabdulahi iyo saraakiil ka tirsan Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Sheekh Maxamed Faroole ayaa warbaahinta u sheegay in ay casumaad ka heleen EU oo ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan beesha caalamka. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku sii sogootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe madax ,wasiiro,iyo xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka Puntland.

Mar uu Madaxweynaha Puntland ka hadlay Doorashooyinka madaxtinimo ee Jan, 2014 ka dhacaysa Puntland waxaa uu sheegay in uu yahay musharax u taagan xilkaas waxaana uu sheegay in uu soo dhaweynayo cid walba oo doorasho ka qeyb galeysa ama ku guuleysata.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay dhamaan dadweynaha iyo maamulka Puntland in ay ku faro adeygaan amaanka ka jira Puntland waxaa kale oo baaq u diray isimada Puntland wuxuuna ugu baaqay in ay soo xulaan xildhibaano tayo leh daacadna u ah Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online