Madaxweynaha Puntlland oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan beesha caalamka

August 30, 2013 - Written by Editor

2Nairobi:- Madaxweynaha Puntlland Dr C/raxmaan Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa ay kulamo la qaateen ilaa 25  Safiiro  iyo xubno ka tirsan beesha caalamka oo xafiisyo ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Wafdiga Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdi raxmaan Faroole ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Wasiirku xigeenka Arrimaha dibada Talyaaniga iyagoo ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo qaabka arrimaha Soomaaliya xal looga gaari karo iyo xiriirka soo xumaaday ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntlland ka dib is maandhaaf ka aloosan Dastuurka Dowladda Federaalka ah.

Sida aan ka helnay Ilo ku dhow Madaxweynaha Puntlland Dr C/raxmaan Faroole ayaa noo sheegay in wafdiga Madaxwey naha dowladda Puntlland ay xubnaha beesha caalamka iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha dalka Soomaaliya ay u gudbiyeen nuqul ka mid ah waxyaabaha ay Puntland ku doodayso in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka bedelaan Dastuurk Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kulan baalaran la yeeshay 25-ka safiir oo ka socda EU waxaa looga wada hadlay qaabka Puntlland looga caawin karo dhinac kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan Garoomada diyaaradaha ah iyo dekkadaha , waxaa kale oo laga wada hadlay qaabka ay Puntlland uga qayb galayso shir ka dhici doona Brussels bisha Sept, 2013.

Wafdiga Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiramaan Faroole ayaa  la filayaa in ay maalmaha soo socda safar ku aadan dalal kale oo ay ku jirto Itoobiya ka dib markii Madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisa ay ka heleen casumaad rasmi ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online