Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo gaaray magaalada Taleex

August 26, 2013 - Written by Editor

gencabdisamadGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Gen. Cabdisamad Cali  oo hogaaminaya wafti  balaaran oo iskugu jira Waxgarad, Xildhibaano ,Saraakiil Ciidan ayaa gaaray magaalada Taariikhiga ah ee Taleex .Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Taleex waxaan soo dhaweeyey ,Waxgaradka Taleex iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada oo uu madaxweyne ku xigeenku uu gacan qaaday.

Madaxweyne ku xigeen dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali oo hadal kooban u jeediyey dadweynaha soo dhaweeyey ayaa waxaa uu sheegay in socdaalka safarkiisu uu yimid ka dib markii uu Garaad Saleebaan uu ku baaqay shir ay yeelanayaan beesha Ugaaryahan beeshuna ay aayaheeda uga tashanayaan si loo turxaan bixiyo madmadowga soo kala dhex galay siyaasiyiinta beesha.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Gen. Cabdisamad Cali ayaa sheegay in dowladda Puntlland  ay diyaar u tahay wax walba oo wax tar u ah degmada  Taleex uuna inta uu joogo uu kulamo la yeelan doono Issimada , Waxgaradka , siyaasiyiinta iyo qaybaha kale duwan ee bulshada ku nool degmada Taleex.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online