Markazka Sh Dr. Axmed Xaaji oo dawro diini ah lagu qabtay

August 10, 2013 - Written by Editor

Garoowe:-Dowradaan oo socotay 14-21 Ramadaan waxaa maamulayey maamulaha Mac-hadka Ibnu Qayim ee magaalada Boosaaso Ustaad Jaamac Maxamed Xasan (Ilka weyne), ahna bare sare oo wax ka dhiga Jaamacadda Bariga Afrika, duruustana waxaa la bixiyey Sh. Mahad Maxamuud Suleymaan oo ah maamulaha Markazka Dr. Axmed Xaaji iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Faraca Galdogob Dr. Bashiir Warsame Maxamed.Waxaa kale oo dowrada kala qaybqaatay Sh. Maxamuud Yuusuf Muuse oo muddo soddon sano ah mu’adin ahaa iyo Sh. Aadan Sh. Xasan (abshirta) oo isna ah mu’adin khibrad leh.

Dowradaan oo lagu bixiyey duruus farabadan oo isugu jirta axkaamta aadaanka, khibrado iyo jilida aadaanka oo mu’adiniinta laga dhagaysanayey waxaa lagu soo gabagabeeyey masjidka jaamica ah, waxaana xafladdii xiritaanka ka soo qaybgalay maamulka Markazka, culumadii dowrada bixisay, mu’adiniintii ka qaybqaatay iyo mashaa’ikh ay ka mid ahaayeen Sh. Mahad C/laahi iyo Sh. Axmed Cabdisamad oo kalimado ka jeediyey, mu’adiniintana guddoonsiiyey shahaadooyinkii ka qaybgalka ee Markazku u diyaariyey. Waxaa iyana xaflada soo xaadiray dadweyne kale.
Waxaa xusid mudan in dowradaani ay ka mid ahayd barnaamij ballaaran oo Markazka iyo maamulka dacwada magaaladu ugu talagaleen bisha tegtay ee Ramadaanka.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online