Maxaa lagu galay Ganacsade Xuseen Goley[sabab dadka ka qarsoon] ?

August 26, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya qarax lagula eegtay ganacsade Xuseen Golay kaasoo la rabay in lagu khaarijiyo laakiin allaah waa ka badbaadiyey inkastoo dhaawac ka soo gaaray. Haddaba inkastoo mashruuca Al-shabaab ee uu hor boodayo Ina Godane uusan ahayn mid soomaaliyeed iyo mid diineed toona ee uu yahay mid u adeegaya cadawga umada soomaali yeed haddana maahan wax lala yaabo inay beegsadaan ganasade Xuseen Goley oo kale ah, maxaa yeelay awalba shaqadoodu waxay ahayd hagardaamada umada soomaaliyeed.

Kaga hadli maayo maqaalkaan shaqsiyada Xuseen Goley oo ah ganacsade ku caan baxay deeqsinimo iyo garabistaaga dadka tabaalaysan waxaana tusaale noogu filan inuu subax u yimid nin shaxaadaya oo baahi iyo dhibaato sheeganaya markaasuu ku yiri maxaad taqaan ood ka shaqayn kartaa ? markaasuu yiri waxaan ahay darawal, islamarkiiba wuxuu ku wareejiyey gaari uu ku shaqaysto oo mulkigiisa ah, halka uu boqolaal dhaliyaro ah uu ka bixiyo waxbarashada.
Sidoo kale ka hadli maayo gumaadka ay kooxdaani ku hayso dad halbawlaha u ah umada, oo awalba ahayd umad dhiman wayday. Waxaa kale u baahan in la is waydiiyo kooxdaani yay u shaqaynayaan ? ifafaaleheedii wuu muuqdaa waanan ka jawaabi doonaa su’aashaan inshaa allaah. Waxaanse kaga hadlayaa maqaalkaan arin u baahan in la iftiimiyo oo ah kooxdaani boobka ay ku hayso hantida umada gaar ahaan lacagaha ay baada uga qaataan ganacsatada iyo shirkadaha waa weyn ee wadanka siiba Koonfurta Soomaaliya.
Waa mida keentay ee saacad walba handadaada iyo dilka ay ku hayaan ganacsatada, in badan oo ka mid  ihina ay u hogaasameen oo ay lacagahaas bixiyaan. Marka laga soo tago lacagaha ay dibada ka helaan oo ay u soo diraan qolyaha ay u shaqeeyaan haddana lacagta ay shacabka soomaaliyeed ka boobaan ayey u isticmaalaan burburinta umada. Dhawaan waa tay qarxiyeen xawaalada Dahabshiil, marna waatay joojiyeen adeega lacagta la isugu diro ee Hormuud.
Mid kamida ganacsatada Muqdisho oo ka hadlaya lacagaha ay kooxdaani ka qaadato ayaa yiri waxaa iga yaabiyey cida siisay xisaabaadkayaga iyo daatadeena sanad walba way imaan waxay lee yihiin intaasaad faa’iiday ee intaas keen hadii kale shaqaa lagaa qaban.
Qaarkood waxay ku kaliftay inay bakhaarada ka daayaan tabeelaha oo guryo ku yaala meelo luuqluuq ah badeecada ku qariyaan cidii wax ka gatadana ay halkaas u soo diraan. Dhawaan mar warbaahintu waraysatay mid ka mid ahaa hogaamiyaaashii ururka Al-shabaab ee Ina Godane kasoo cararay oo magaciisa la yiraahdo ABUU AYAAN ayaa la waydiiyey awooda ina Godane halka ay ku tiirsan tahay  wuxuuna ku jawaabay(( Alshabaab waxay gaareen isku filnaansho isku filnaanshahaasina wuxuu ku tiirsan yahay dadka ayey boobaan wuxuuna leeyahay Ina godane nidaamyo badan oo umada hantidooda ku boobo marka laga reebo sakawaatka uu umada ka aruurinayo….))

Inkastoo dawlada federaalka ihi ay tahay mid taagdaran oo aan madaxbanaanayn haddana waxaad  moodaa intii tabarteed ah inaysan la tacaalin mushkilada kooxdaan iyo dhinacyadeeda oo dhanka hadda aan ka hadlaynaa uu yahay meelaha ugu daran , waliba maamulka hadsa jiraa waxaad moodaa inuu mudnaanta waxyaalo kale siiyey oo aanan halkaan ku sheegayn.

Tusaale  waxaa noogu filan maamulka Puntland oo dawlada dhexe ka tabaryari kooxdii buurta gashay wuxuu kula diriray kaliya inuu ka xiray saadkii iyo meelihii wax u soo marayeen waana kala daateen. Waxaa kale oo iska cad waxa loo yaqaan bulshada caalamka iyo dawladaha Somaliya lugaha kula jiraana in aysan daacad ka ahayn la dagaalanka kooxdaan ee kaliya soo galida wadanka ay marmarsiinyo uga dhiganayeen qolo walba inay hesho ajandaha ay Somaaliya ka leedahay.
Ugu danbayn shacabka soomaaliyeed waa inay ku baraarugaan mushkiladaan gaar ahaan ganacsatada waxaan u soo jeedinayaa lacagta kooxdaan aad siinaysaan waa shidaalkii umada lagu burburnayey ee inta allaah ka cabsataan joojiya oo hadaad baqaysaan si kale uga xeelaysta. Tan kale allaah ka baqa oo ogaada geeri ka fakan maysaane in shilin walba la idin xisaabin doono oo uu yeelan doono labo su’aalood: xagee ka keentay? Iyo xagee ku bixisay?

Shiikh Ali husein
Shiikhali622@yahoo.com

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online