Maxkamad ku taal dalka Masar oo Amartay in la sii daayo Madaxweynihii hore ee dalka Masar Husni Mubarak

August 21, 2013 - Written by Editor

XusniMaxkamad ku taal dalka Masar ayaa amartay in la sii daayey Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak oo loo heysto in uu amaray in la laayo dadweyne dhigayey Banaanbax iyo in uu ku dhaqmay musuq maasuq baahsan. Wakaaladaha wararka ee Caalamiga ah ayaa si weyn u hadal haya amarka Maxkamada ku taal dalka Masar ay ku amartay in la sii daayo Xusni Mubaaarak oo 85 sano jir ah mudo dheerna ka talinayey dalka Masar .Tv Aljazeera ayaa shaaciyey in la filamo in maalinta birito ah la sii daayo Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak iyaga oo ka soo xigtay qareen u doodaya Madaxweyne Mubaarak .

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa sanadkii hore 2012 waxaa lagu xukumay xabsi daa’in iyada oo lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo in uu si bareer ah u xasuuqay dadweyne shacab ah waxaa uuna xukunkaas ka qaatay Racfaan.

Wadanka Masar ayaa ilaa iyo intii xukunka laga tuuray Maxamed Mursi waxaa ka socda Banaanbaxyo lagu diidan yahay ciidanka inqilaabka ku qabsaday Masar waxaana Banaanbaxyada ku dhintay dad aad u badan halka dhaawaca uusan lahay tiro .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online