Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada DFS oo dil toogasha ku fulisay eedeysane dilay wariye Abgsuge
August 17, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada DFS ayaa maanta markii ugu horeysay dil toogasho ah ku fulisay eedeysane lagu eedeeyey in uu dilay alaha u naxariistee wariye Xasan Yuusuf Abgsuge sanadkii 2012.
Aadan Sheekh Cabdi Xuseen ayaa ka hor qirtay maxkamada darajada 1aad ee ciidamada DFS inuu dilay wariye Xasan Yuusuf Abgsuge waxaana xeer ilaaliyaha uu sheegay in Aadan Sh uu xubin ka ahaa kooxda Al-Shabaab.
Sarkaal u hadlay ciidanka DFS Col. C/llaahi Muuse Keyse ayaa sheegay in ay ka go,antahay in ay cadaalada marsiiyaan kooxaha amniyaadka ee ku dilay magaalada Muqdisho wariyaal badan .
Toogashada ayaa waxaa ay ka dhacday barxada Iskoolka Booliska waxaana ka soo qeyb galay saraakiil ka tirsan DFS iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir.
A/Cawale
Halgan.net