Mu’tamarkii 13aad oo ka bilaaban doona dhawaan Minneapolis,St Pual.[Daawo Video-ga]

August 13, 2013 - Written by Editor

For webMinneapolis:-Waxaan ugu bishaaraynaynaa bulshawaynta Soomaaliyeed ee ku nool  Waqooyiga Amerika  iyo nawaaxigeeda khaas ahaan Magaalooyinka mataanaha ah ee  Minneapolis,St Pual iyo nawaaxigooda in Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic Center iyo Golaha isutaga Culimada Soomaaliyeed  uu sanadkaan soo qaban qaabiyeen  Mu’tamarkii 13aad kaa soo sanadwalba laqabjiray  shicaarkiisu yahay.

Mu’tamarka ayaa waxaa  uu dhicidoonaa Bishan aan ku jirno dhamaadkeeda  oo ku beegan   Augest 30, 31 and Sept 1st,  waana 3 maalmood oo ah Jimco, Sabti iyo Axad. Mutamarka ayaa waxa uu yeelan doonaa sidii aad horayba uga barateen Barnaamijyo iskugujira Muxaadaroyin Afsomali iyo English ah.

Bandhig Quraanka Kariimka ah.  Su’aalo iyo Jawaabo, workshops loogu tala galay dhalin yarada-gabdho iyo wiilalba.  Iyo Barnaamijgaar ah oo loogu talagalay bulshada Somaliyeed ee ku nool magaalooyinka  Mataanaha ah ee Minneapolis, St Pual iyo  nawaaxig00da.

Mutamarka waxaa nagala soo qaybgalidoona Culimo waaweyn oo Somali, Arab iyo Maraykan iskugu jirta.  Waxaana kamid ah Sh. Moham Idris Ahmed, Sh. Abdirahman Sh. Cumar oo ah Gudoomiyaha Golaha Iskutaga imaamyada ee Waqooyi  America, Sh. AhmedNur  oo isna ah Imaamka Masjidka weyn ee Magaalada Seatlle, WA  ee Masjidka wayn ee Abubakar iyo Sidoo kale Sh. Abdulbary Yahya oo ah Imaamka Masjidka Jaamiul Muslimeen Magaalada Seattle, WA, waxaa sidoo kale imaan doona Culimo badan oo kala ah sidatan.

1. Sh. Abdirizak Hashi (Imamka Masjidka Abubakar As-Sadddique Islamic Center)
2. Sh. Mohamed Abdi Umal ( Live Video Conference )
3. Sh. Mohamud Shibile (Live Video Conference)
4. Sh. Abdullahi Ibrahim
5. Sh. Abdullahi (Abu Fadli)  (Masuulka Golaha Isutaga aimada Somaliyeed ee Waqooyiga Amerika)
6. Sh. Ahmed Tajir
7. Sh. Khadar Jama
8. Sh. Nageye Ahmed Nadir
9. Sh. Abdirizaq Sancani
10. Sh. Dr. Waleed Idrees Al-Manees

Qaybta Englsihka

1. Sh Abdulbary Yahye
2. Sh. Siraj Wahaj
3. Sh. Usamah At-Thahabi
4. Sh. Yusuf Abdulle
5. Sh. Mohamed Diini
6. Sh. Mohamed Jabeer

Haddaba Nafteena iyo Ehelkeenaba aan u faa’idayno annagoo ka wada fai’idaysanaynaa kulankaan aadka muhiimka u ah iyo culimada Safarka noo soo gashay si ay noogu faa’ideeyaan.

Hoos ka Daawo Ogeysiis Kulan diineedkii 13aad ee Masjid Abubakar MN


Mohamud Ahmed Guled (Suheyb)
Executive Director

Abubakar As-Saddique Islamic (AAIC)
2824 13th Ave South
Minneapolis, MN 55407
612-871-8600 Ext:3
Cell: 612-423-1176
Fax: 612-436-0259
Email:aaic@abuubakar.org

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online