Nadwadii 5aad oo laas-caanood lagu soo gabagabeeyay iyo Bayaan laga soo saaray.(Masawiro)

August 19, 2013 - Written by Editor

5Waxaa magaalada laas-caanood lagusoo gabagabeeyay nadwadii 5aad oo ka dhacday masjidul jaamica magaalada laas-caanood oo socotay afar habeen, nadwadan ayaa waxaa mawduucyadeeda wadaagsanayay culimo,  dhakhaatiir, aqoonyahano dal-joog iyo dibad- joogba leh iyo odayaal dhaqameed. Sababahii loo qabtay nadwadaan ayaa waxaa ka mid ahaa fasaad farabadan oo bulshada dhexdeeda ku faafaya, dhalintii oo ku halaagsamaysa tahriib.

Hadafyada iyo yoolalka laga lahaa nadawada ayaa waxaa ka mid ahaa: in la saxo afkaaro badan oo khaldan bulshadana dhex deeda ku faafaya, in sare loo qaado garaadka iyo aqoonta shacabka guud ahaan gaar ahaanna dhalinyarada iyo in laga hortago tahriibta.

Waxaa nadwadan looga hadlay dhibaatooyin fara badan oo ummadda soomaaliyeed haysta, si gaar ahna waxaa xooga loo saaray qaadka, tahriibta, zinada (dhilaysiga) , qaawanaanta dumarka iyo kuwa kale oo badan, nadwadaan ayaa waxaa soo abaabulay golaha ardaydii ka baxday Machadka Al-furqaan ee Culuumta Sharciga iyo Carabiga.

no images were found

Nadwadan ayaa waxaa kasoo qayb galay intii ay socotay dhammaan qaybaha kala duwan ee  bulshada,  gabagabadiina waxay culimadii, aqoonyahanadii iyo odayaal dhaqameedkii ka qayb-galay kasoo saareen bayaan ku wajahan ummadda soomaaliyeed, bayaankan oo ka koobnaa  12 qodob oo dhinacyo badana taabanayay waxaa uu u qoraan sidda tan:-

1- Waxaan ummada soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay alle ka cabsadaan, oo u noqdaan oo bartaan oo ku dhaqmaan oo faafiyaan kitaabka iyo sunada nabiga scw waayo labadooda ayay kaga badbaadi karaan khatar kasta oo shubho iyo shahwaba leh .

2-  Waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay midoobaan, kuna midoobaan oo ku walaaloobaan kitaabka alle iyo sunada nabiga scw, kana fogaadaan wax allaale wixii wax u dhimaya midnimadooda, walaaltinimadooda iyo islaamnimadooda oo ay kow katahay qabyaaladdu.

3- Waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay ka feejignaadaan oo u toog-hayaan iskana jiraan dhagaraha cadawyadooda wejiyo badanta ahi ay u maleegayaan.

4- Waxaan ummada soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay ka digtoonaadaan xadgudubyada diineed ee ay ku kacayaan, faafinayaana ururada diinta u nasab sheegta sida: kooxda Al-Shabaab oo caadaysatay daadinta dhiiga muslimiinta ha ahaadeen culimo, wax-garad, aqoonyahano, masuuliyiin iyo caamaba, kooxdana waxaanu ugu baaqaynaa inay alle uga toobadkeenaan dhabada diin la’ aanta ah ee ay cagta saareen, shacabkana waxaan ugu baaqaynaa inay ciddii ka toobadkeenta manhajkaa khaldan ay gacan ka gaystaan sidii dhaqan-celin loogu samayn lahaa bulshadana ay ula jaanqaadi lahaayeen.

5- Waxaan ugu baaqaynaa ummadda soomaaliyeed inay cilmiga ka qaataan culimmada ehelka u ah ee diintoodana lagu kalsoon yahay, kana digtoonaadaan kuwa ka leexday dhabada xaqa ah una weecday inay sharci ka dhigaan waxaan sharci ahayn.

6- Waxaan ugu baaqaynaaa nidaamyada waddanka ka jira inay shacabaka ku dhaqaan kitaabka alle iyo sunnada nabiga scw una guntadaan siday uga soo bixi lahaayeen masuuliyada ka saaran ummaddooda dhan kasta, adkeeyaanna isku xidhnaantooda islaamnimo iyo walaaltinimo, kana shaqeeyaan sidii ummadda soomaaliyeed loo midayn lahaa, kadibna loo midayn lahaa ummadda islaamkoo idil.

7- Waxaan ugu baaqaynaa Maamulada, culimada, Isimmada, aqoonyahanada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii looga hortagi lahaa macaasida ku sii siqaysa geyiga soomaaliyeed sida: dilka xaqdarada ah, siixirka, qabyaaladda, daroogada noocyadeeda kala duwan, zinada, qaawanaanta, is-dhexgalka raga iyo dumarka, budhcad-badeednimada, waalid caasinimada, dhagaysiga heesah iyo muusikada, daawashada filimada khariban, u dabaal-dega xafladaha aan sharcigu ogolayn iyo kuwo kale oo badan. Waxaanuna ummadda ku baraarujinaynaa wax ka qabasho la’aanta macsida in laga dhaxlo ciqaab aduun, mid aakhiro iyo cadho alle oo aan ku gaar noqonayn ciddii falkaa xun samaysay.

8- Waxaanu ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa qaybeheeda kala duwan inay dhammaan u guntadaan ka hortaga tahriibka oo daanooyin iyo dakharo badan u gaystay guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan dhalintii soo barbaaraysay, dhammaana xil layska saaro sidii wadanka loo nabadayn lahaa, aqoontana loo horumarin lahaa, dhalinyaradana shaqooyin loogu abuuri lahaa si ay ugu niyad -samaadaan dhulkooda hooyo ee alle dejiyay.

9- Waxaanu ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan malsaxada caamka ah kana hormariyaan ta khaaska ah, masaalixda caamka ah ee la wadaago waxaa kamid ah deegaanka oo ay waajibtahay in la ilaaliyo nadaafasdiisa, bilicdiisa iyo khayraadkiisa oo dhirta iyo ugaadhu kamid tahay, lagana dhawro wixii dhib ugaysanaya sida: gubida dhuxusha, ugaadhsiga duur-joogta iyo deegaamaynta dhul-daaqsimeedka.

10- Waxaanu ugu baaqaynaa qurba-joogta soomaaliyeed inay maalkooda, maskaxdooda iyo aqoontada u adeegsadaan wixii horumar iyo waxtar uleh ummaddooda iyo dalkooda kana fogaadaan inay u adeegsadaan awoodooda dhaqaale, aqooneed iyo maskexeed wax allaale wixii dhibaatayn kara dadkooda iyo dalkooda sida hurinta dagaalada sokeeye iyo colaadaha shacabka soomaaliyeed naafeeyay .

11- nabadgalyadu waa waxa aynu ku noolahay, la’aanteedna aan nolol taabo-gal ahi suuroobayn sidaa awgeed waxaanu ummadda ugu baaqaynaa in dhammaan  xil iska saaraan nabadgelyada yar iyo weyn, masuul iyo isim, culimo iyo caamo.

12- waxaanu ugu baaqaynaa ganacsatada soomaaliyeed inay ummadda u soo waaridaan badeecad waxtar leh, tayo leh , sharciguna ogolyahay.

Ugu danbayn waxaanu ummadda soomaaliyeed ilaahay uga baryaynaa inuu xaqa garansiiyo kuna hanuuniyo,  kuwii xaqa ku midoobana alle uu ka dhigo, sharaftoodii, haybadoodii iyo karaamadoodiina alle uu usoo celiyo, khilaafkana alle uu dhexdooda ka saaro.

Culimada, aqoonyahanada iyo odayaal dhaqameedka  ka qayb galay nadwada :

1-Sh.c/waaxid xaashi xasan.

2-Sh.axmed max’ed sulaymaan

3- Sh.aadam weli cabdi xuseen

4- Sh.saciid axmed cadar

5- Sh.c/llaahi cali macalin xasan

6- Sh.max’ed  sh.aadam weli cabdi xuseen

7- Sh.max’ed salaad max’ed

8- Sh.yuusuf haybe ibraahim

9-Sh.saciid muuse nuur

10- Sh.aadam cali nuur

11- Prof.c/salaam max’ed  xuseen

12- Eng.max’ed jibriil

13-Dr.c/casiis c/qaadir

14- Dr.yuusuf  axmed cabdi

15- C/risaaq axmed warsame

16- Mubaarak xasan faarax

17-Oday. Xassan faarax jaamac

18- Oday. Xassan faarax dabshid

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online