Nadwo cilmiyeed lagu qabtay Masaajidka Al-madiina ee magaalada Burco.[Dhageyso]

August 31, 2013 - Written by Editor

DSCN2239Burco:-Xalay oo  taariikhdu  ahayd 22 shuwaal 1434 wafaqsana 30/8/2013 ayaa waxa  laga bilaabay  masaajidka  al-madiina  ee magaalada burco  nadwo  ciwaankeedu yahay :قل هذه سبيلي أدعوا إلى الله على بصيرة  nadwadaan  oo  ayaa waxaa soo qaban qaabiyey  Mu,asasada  Al-karam  ee  dacwada  iyo  horumarka xafiiskeeda  Burco. Nadwo cilmiyeedkaan ayaa waxaa ay xalay  ku  bilaaban tay jawi aad u fiican iyadoo uu Sh.Yuusuf  Maxamed Diiriye  oo  ah  maamulka Machadka Imaamu Shaafici kana  tirsan  culimada waaweyn ee  magaalada  Burco uu furitaankii  nadwada tilmaamey u jeedada loo qabtay nadwadan in  ay  tahay:

1. In umada loo cadeeyo xaqa iyo dariiqa saxda ah

2.In laga digo  khatarta ay leedahay dad muslimiin  ah  in  si fudud loogu  xukumo bidco,kufri    iwm

3.In culimada laga  bariyeelo wax yaabaha aan  xaqiiqda ahyn  ee dadka qaar   ay caadaysteen.Waxaa uu  sheekhu  tilmaamay  in  nadwadu sii socon  doonto 4ta habeen  ee  soo socda in sha  allaahu.

Intaa  ka dib  waxa bilaabantay  muxaadarada  koowaad oo  uu  ku qornaa Sh.Yuusuf  Cabdi Cawad oo ka tirsan culimada  sidda  wayn  looga  yaqaan  guud  ahaan  dalka Soomaalida  dhexdooda  gaar ahaana  magaalada  Burco, Sh Yuusuf ayaa jeediyey muxaadarada uu  ciwaankeedu  ahaa تبرأة الجماعة عما نصب إليها من الشناعة  ayaa sheekhu  waxa  uu  si  qoto dheer  uga  hadaly  khatarta  ay  leedahay  dadka  muslimiinta  ah  oo  acraadooda  iyo sharaftooda  meel looga  dhaco si  khilaafsan  shareecada islaamka,iyo  waciidka  ku  soo  arooray in dadka muslimiinta  ah  cowraadkooda  la  raac raaco, sheekha  ayaa ugu  baaqay  dadka  caadaystey bidcaysiinta  bilaa dawaabida  ah iyo  raac raacida cowraadka  muslimiinta gaar ahaan dadka  ducaada ah  in ay  ilaahay  ka  cabsadaan rabbina  u  toobadkeenaan,kana  fogaadaan  xanta  iyo  been abuurka  aan  loo  meel dayeyn.

no images were found

Sheekha  ayaa  waxa kale  oo  uu  ka waram dacwadii Ururk Itixaadul Islaami.[Ictisaam]  taariikhdeedii  maraaxishii  ay  soo  martay,wax qabadkeedii,iyo dadka  soomaliyeed  xaladoodu  siddii  ay  ahayd markii  ay  bilaabantay  dacwadu,sheeekha  ayaa  tusaale  u  soo  qaatay caqiida  xumadii  ka  jirtay dalka xabaalaha  laga  barakaysan  jiray iyo shirkiyaadka iyo macaasida ka dhacaysay  goobaha  siyaarooyinka.

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii koowaad oo jeediyey Sh.Yuusuf  Maxamed Diiriye .[audio:https://halgan.net/Mp3/Muxadar_1.mp3]

Waxa kale  oo  sheekhu  tilmaamay khaladaad  iyo  salbiyaad  ka  dhacay  ururkii  Itixaadul Islaami  isaga  oo  tusaale  u soo  qaatay  dagaalkii  dhacay Gobolka Bari laguna qabsaday magaalada Boosaaso sagaashanaadkii,sheekhu  waxaa  uu  ka waramay  sidii  uu  u dhacay  dagaalku  iyo asbaabihii  keenay,waxa  uu  sheekhu  yidhi: koox  yar  oo  u  badan  saraakiil ayaa  gaadhay  go,aanka ah  in  la  qabsado  dagaalkaas waqtigaa  aan  wax  maamul  ahi  ka  jiran Gobolka Bari isagoo xusay in markii dagaalku dhacay ay  shir isugu yimaadeen  Golaha  shuurada  ee  ururkii Al-itixaadul Islaami magaalada  jabuuti 1991/7/8 ilaa 18/7/1991 qodobadii  ka soo  baxayna  waxa  ka  mid  ahaa:

1-In lo  jooiyo dagaalada  socda

2- In laga  fogaado  wax dagaal  ah in  lala galo  qabaailka  iyo  xukuumadaha  jira

3 -In la  saaro  gudi  dib  u  heshiisiin  ah

4-masuuliyada  wixii ka  yimaad  wax qaadaya  kooxdii  go,aanka  gaadhay

Sheekha  oo  aad  ugu  dheeraday ayaa  waxa  uu  ku soo  gabagabey: Wax yaabahaasi in ay  ahaayeen  qaladaad dhacay ayna ka dhaceen qaar ka mid ah saraakiishii ururka Al-itixaad Islaami ayana culimaduu ururka Al-itixaad islaami ay cadeeyeen in dagaalku uu ahaa mid khalad ah  balse waxaa la yaab ah in rag waagaas ku jiray ururka Al-itixaad  oo hadda isku soo koobay in ay iyagu yihiin Salifiyada saxda ah ay ku howl galaan in ay cuskadaan dagaalkii waagaas dhacay oo iyaguba ay ka mid ahaayeen ururkii Al-Itixaad islaami si ay u ceebeeyaan culimada Soomaaliyeed ee ku bahoobay ururkaas oo hadda loo yaqaan Ururka Ictisaam Bilkitaabi Wasunaha. Masaaijdka  muxaadaradu  ka  socotay  ayaa  waxaa  soo  buux dhaafiyey  dad weyne  aad  u  tira  badan  iyaga oo  taagnaa  ilaa  albaabada  masaaijdka kana faa,iidaystay muxaadirada.

Dhawaan ayaan idiin soo gudbin doonaa Muxaadaraadkii laga jeediyey Nadwada ka dhacday Masaajidka Al-madiina ee magaalada Burco ee ha moogaanina

Masaajidka  Al-madiina
Burco, Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online