Puntland oo ka codsatay Gal-mudug in ay ku soo wareejiso xubno ka tirsan Al-shabaab

August 22, 2013 - Written by Editor

plGaalkacyo:-Saraakiisha ciidanka Booliska Puntlland ee magaalada Gaalkacyo  ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ka codsaday  maamulka Gal-Mudug in ay ku soo wareejiyaan xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo qaraxyo iyo dilal ka geystay waqooyiga Gaalkacyo oo ay ka arimiyaan Puntlland. Dhalinyaradaan ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay iyagoo qarax miino dhigaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafadda Garsoor ay la qaraxday miinadii ka dibna waxaa dhaawac ka soo gaaray miinada ay dhigayeen waxaan ay ula baxsadeen dhaawacooda dhinac maamulka Gal-Mudug walow markii danbe gacantalagu dhigay ayna ku xirtan yihiin saldhig ku yaal Koonfurta Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta Booliiska Maamulka Puntland ee Gobalka Mudug Jaamac Maxamed Jaqanaf oo la hadlay warbaahinta ayaa  codsi u jeediyey maamulka Gal-Mudug waxaan uu ka codsaday in dhalinyaradaan gacanta loo soo geliyo maadaama ay dilal iyo qaraxyo ka geysteen Waqooyiga Gaalkacyo  si Maxkamada loo geeyo ka dibna xukun loogu rido.

Taliyaha qeybta Booliiska Maamulka Puntland ee Gobalka Mudug Jaamac Maxamed Jaqanaf  ayaa sheegay in howl galo ay ka sameeyeen Xaafaddaha magaalada Gaalkacyo ay ku qabteen  eedeysanayaal lagu tuhun san yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab dhawaan ay Maxkamada soo taagi doonaa.

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntlland ayaa waxaa uu ka codsaday maamulka Gal-Mudug in ay eedaysanayaashaan ay gacanta u soo geliyaan Puntlland ayna dhowraan hishiisii ay dhawaan wada gaareen laamaha amaanka ee Puntland iyo Gal-Mudug iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online